Buug eray bixin ah oo ku saabsan Sayniska iyo Tiknoolajiyada ayaa la daahfuray - ENA Af-Soomaali
Buug eray bixin ah oo ku saabsan Sayniska iyo Tiknoolajiyada ayaa la daahfuray
Addis Ababa, Gudba 1/2018 (ENA): Buug cusub oo ay ku jiraan ereyo la xiriira sayniska iyo tiknoolajiyada oo lagu qoray Af-Amxaariga iyo Ingiriisiga ayaa maanta si rasmi ah loo daahfuray.
Munaasabadda daahfurka waxaa ka qaybgalay Wasiirka Hal-abuurka iyo Tiknoolajiyada, Dr. Balata Molaa, Madaxweynaha Akadeemiyada Sayniska ee Itoobiya, Brof. Belaay Kaasaa, khubaro, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Dr. Balata Molaa ayaa sheegay in buuggan uu yahay mashruuc socda oo isbeddel joogto ah lagu samayn doono, kaas oo marba marka ka dambaysa la cusboonaysiin doono si uu ula jaanqaado horumarka tignoolajiyada iyo sayniska ee caalamka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in turjumaadda aqoonta sayniska ee lagu sameeyo luqaddaha gudaha dalka ay gacan weyn ka geysanayso kor u qaadista fahamka bulshada iyo horumarinta hal-abuurka gudaha.
Daabacaadda koowaad ee buugga waxaa lagu ururiyey in ka badan 11,000 oo eray saynis iyo tiknoolaji ah, kuwaas oo si nidaamsan loogu diyaariyey inay noqdaan tixraac rasmi ah oo waxbarasho iyo cilmi-baaris.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya