Ciidanka Difaaca Qaran ee Bariga ayaa sheegay inay diyaar u yihiin fulinta waajibaadkooda qaran - ENA Af-Soomaali
Ciidanka Difaaca Qaran ee Bariga ayaa sheegay inay diyaar u yihiin fulinta waajibaadkooda qaran
Jigjiga, Gudba 1/2018 (ENA) – Askarta tababarka ku dhamaysay Xarunta Tababarka Ciidanka Difaaca Itoobiya ee Qaybta Bariga ayaa sheegay inay si buuxda diyaar ugu yihiin gudashada hawshooda iyo waajibaadkooda qaran, si ay u ilaaliyaan madax-bannaanida dalka iyo nabadda shacabka.
Askartani oo ka kala socday cutubyo kala duwan ayaa muddo tababar ku soo qaatay xarunta, tababarkaasi oo diiradda lagu saaray xirfadaha dagaalka, jimicsiga jirka, iyo aqoonta sayniska militariga. Mid kamid ah askarta, Tamsegen Baqale, ayaa sheegay inuu dalkiisa iyo dadkiisa si daacad ah ugu adeegayo, isagoo diyaar u ah inuu noloshiisa u hurayo difaaca qaranka.
Askari kale, Kaasaaye Tigsitu, ayaa sheegay in tababarku ka dhigay mid xirfad iyo adkaysi badan, isla markaana uu diyaar u yahay inuu la tacaalo kooxaha khatar gelinaya nabadda dalka sida fallaagada, argagixisada, iyo kuwa kala qaybinta bulshada wada.
Askari Olyaadh Baqele ayaa isna sheegay in tababarku si fiican u diyaariyay maskaxdiisa iyo jirkiisa, isla markaana uu sida awoowayaashiis uga dhaxlay geesinimo uu ku difaaco madaxbannaanida Itoobiya xitaa haddii ay noloshiisu baxayso.
Kornayl-ku-xigeenka tababarka, Jireenyaa Geetaahun, ayaa sheegay in askartu ay si buuxda u dhiseen awoodda ay ugu jawaabi karaan khatar kasta oo ka dhan ah dalka iyo shacabka. Wuxuu xusay inay muujiyeen geesinimo iyo adkeysi, ayna diyaar u yihiin inay waajibaadkooda si buuxda u gutaan.
Sidoo kale, Taliyaha ku xigeenka qaybta Bariga, Meejor Jeneral Fiqaadhu Segaaye, ayaa intii lagu guda jiray xafladda qalin-jabinta xaqiijiyay in askartu qaateen tababar sare oo diyaargarow ah oo u saamaxaya inay si hufan u gutaan waajibaad kasta oo la saaro.
Ugu dambayn, waxaa lagu xusuusiyay inay si sharaf leh ugu adeegaan shacabka, iyagoo isticmaalaya xirfadaha ay ka barteen xarunta, si ay u difaacaan dastuurka iyo qiyamka qarannimo ee dalka.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya