Waxaa lasoo gunaanaday Tababarkii magaalada Adama uga socday hogaaminta xisbiga Barwaaqo.

Addis Ababa; Dirir 30/2018 (ENA)‎: Tababarkan oo 12-kii maalmood ee lasoo dhaafay madaxda sare ee Xisbiga Barwaaqo uga socday magaalada Adama isla markaana, halku-dhiggiisu ahaa “Wadajirka Dowlada ee loo marayo horumarka dhaqaalaha”, ayaa si habsami leh maanta loo soo gebagebeeyey, iyadoo uu soo xidhay Madaxweynaha xisbiga Barwaaqo, Abiy Axmed (PhD).

‎Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Barwaaqo, Mudane. Aadan Faarax ayaa sheegay in tababarkan ay ka soo qayb galeen ku dhawaad ​​2000 oo hogaaminta xisbiga ah kuwaasoo ka kala socday dhamaan dalka Itoobiya ahmiyadiisuna aheyd sidii loo abuuri lahaa ra'ayi midnimo ku saleysan korna uqaadaya hirgalin dhabta ah, masuulka ayaa dhinaca kale sheegay in tababarkani lagu muujiyay in xisbigu yahay astaanta dhabta ah ee midnimada qaranka.


‎Tababbarkani intii uu socday waxaa lagu xaqiijiyay in la gaaro ujeedooyinka tababarka, laga bilaabo diyaarinta ilaa bandhigga, dood kooxeed, khibrad isweydaarsi iyo booqashooyin lagu gaadhay mashaariicaha horumarineed ee kasocda qaynonkamid ah magaalooyinka deegaanka oromada iyo magaalada Addis Ababa. sida aay tibaaxeyan xogo aan ka helnay Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee dalka.

#wakaaladda_wararka_itoobiya 
#ENA

Wakaalada Warka Itoobiya
2015