Waxaan dalbaneynaa caddaalad, ma ahan gargaar – Guddoomiyaha Midowga Afrika - ENA Af-Soomaali
Waxaan dalbaneynaa caddaalad, ma ahan gargaar – Guddoomiyaha Midowga Afrika
Addis Ababa, Dirir 28/2018 (ENA): Guddoomiyaha Komishinka Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa sheegay in Afrika aysan codsanayn gargaar, balse ay dalbanayso caddaalad ku saabsan cimilada adduunka.
Isagoo ka hadlayay shirka hoggaamiyeyaasha ee lagu qabtay magaalada Belem ee dalka Braasiil, ayuu sheegay in Afrika ay si buuxda isu diyaarinayso ka qaybgalka Shirka Cimilada Adduunka ee 30aad (COP30), isla markaana ay doonayso in isbeddel dhab ah laga sameeyo arrimaha cimilada.
“Dhallinyarada Afrika oo leh hal-abuurnimo ayaa ka qeyb qaadanaya horumarinta tamarta qorraxda iyo biyaha, taasoo Afrika ka dhigaysa qayb muhiim ah oo soo saaraysa xalal tamareed oo caddaalad ah, waara, islamarkaana leh qiiq karboon oo hooseeya,” ayuu yiri guddoomiyuhu.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu xusay in inkasta oo Afrika ay leedahay 40% awoodda tamarta dib loo cusboonaysiin karo ee dunida, haddana ay hesho wax ka yar 12% maalgelinta cimilada ee caalamka.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri, “Waxaan dalbanaynaa caddaalad cimiladeed, ma aha deeq. Waxaan u baahanahay maalgelin caddaalad ah, tignoolajiyad iyo fursado siman. Dalalka aan qiiqa badan soo saarin laguma eedeyn karo in ay qaadaan culayska ugu weyn ee isbeddelka cimilada.”
Guddoomiyuhu wuxuu ugu baaqay ka qaybgalayaasha COP30 in shirkaasi noqdo madal lagu beddelo ballanqaadyadii hore ficil dhab ah, si dunidu u gaarto caddaalad iyo barwaaqo wadaag.
Wuxuu ku soo gabagabeeyay, “Waqtigii hadalku wuu dhammaaday, waa waqtigii la qaadi lahaa tallaabo mideysan oo wax ku ool ah.”
Shirka COP30 waxaa lagu qaban doonaa magaalada Belem, Braasiil, intii u dhaxeysay 1-da ilaa 12-ka Gudba 2018 T.I.