Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika ee horumarinta shaqaalaha iyo tiknoolajiyada ayaa ah mid sii xoogaysanaya

Addis Ababa, Dirir 27/2018 (ENA): Waxaa sii xoogeysanaya iskaashiga u dhexeeya Shiinaha iyo Afrika ee ku saabsan horumarinta awoodda shaqaalaha iyo tiknoolajiyada, sida ay sheegtay Biyaatrise Igulu oo ka tirsan Waaxda Siyaasadda ee Midowga Afrika (AU), gaar ahaan qaybta Beeraha, Horumarinta Miyiga, Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Horumarka Waara.

Kulanka lagu magacaabay "Qorshaha Iskaashiga Horumarineed ee Shiinaha iyo Afrika" ayaa lagu qabtay Addis Ababa, kaas oo ay soo qabanqaabiyeen Warbaahinta Pulse of Africa, Wakiillada Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika, iyo Xarunta Cilmi-baarista iyo Wada-shaqaynta.

Biyaatrise Igulu waxay sheegtay in maalgashiga Shiinaha ee qaaradda Afrika uu abuuro fursado shaqo oo badan iyo wareejin aqooneed iyo tiknoolajiyadeed oo u dhexeeya khubarada Shiinaha iyo kuwa Afrika.

Waxay tusaale u soo qaadatay barnaamijka iskaashiga beeraha ee Shiinaha iyo Afrika, kaas oo 10,000 oo khubaro Afrikaan ah lagu tababaray casriyaynta beeraha, horumarinta waraabka, iyo maamulka warshadaha waxsoosaarka.

Iskaashiga ayaa sidoo kale si weyn uga muuqda dhaqaalaha buluugga ah, gaar ahaan ilmaha kalluumeysiga, kaabayaasha xeebaha, iyo maareynta biyaha, halka dhinacyada tamarta iyo warshadaha ay iyana yeesheen xiriir xooggan.

Biyaatrise waxay xustay in iskaashigan uu door muhiim ah ka ciyaarayo xoojinta awoodda shaqaalaha iyo horumarinta tiknoolajiyada Afrika.


 

Dhanka kale, Kwentin Wodon, agaasimaha xarunta UNESCO ee dhismaha awoodda Afrika, wuxuu sheegay in Afrika weli ay la daalaa dhacayso yaraanta shaqaale xirfad leh oo ku filan warshadaha qaaradda, gaar ahaan kuwa farsamada iyo xirfadaha gacanta.

Wuxuu ku taliyay in tababarro badan oo farsamo iyo xirfadeed la qabto iyo in la ballaariyo xarumaha waxbarashada xirfadaha si loo daboolo baahida suuqa shaqada.


 

Dhankeeda, Brofessor Ma Ning oo ah madaxa kulliyadda tiknoolajiyada waxbarashada ee jaamacadda Beijing, waxay sheegtay in garaadka macmalka ah (AI) uu door weyn ka ciyaarayo tayada waxbarashada iyo cilmi-baarista Shiinaha, isla markaana uu keeno natiijooyin wax ku ool ah oo la taaban karo.

Ugu dambayn, labada dhinac ee Shiinaha iyo Afrika waxay muujiyeen kalsooni ah in iskaashigooda dhinacyada waxbarashada, tababarka, iyo tiknoolajiyada uu sii xoogaysan doono sannadaha soo socda.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015