Shiinaha waxay sii xoojin doontaa iskaashiga horumarineed ee ay la leedahay Afrika, gaar ahaan dhinaca warshadaha - ENA Af-Soomaali
Shiinaha waxay sii xoojin doontaa iskaashiga horumarineed ee ay la leedahay Afrika, gaar ahaan dhinaca warshadaha
Addis Ababa, Dirir 27/2018 (ENA): Shiinaha ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto iskaashiga horumarineed ee ay la leedahay Afrika oo ku dhisan mabda’a faa’iido wadaagga, iyadoo xoogga saaraysa kobcinta warshadaha.
Mawduuca “Shiinaha waxay taageeri doontaa warshadaynta Afrika, horumarka cagaaran iyo mid waara” ayaa looga hadlay madal ay si wadajir ah u soo agaasimeen Wakiilka Shiinaha ee Midowga Afrika iyo Xarunta Cilmi-baarista iyo Wadatashiga Afrika, oo iskaashi la leh warbaahinta Pulse of Africa (POA).
Kulankaas waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socday dowladda Shiinaha, guddiyada kala duwan ee Midowga Afrika iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.
Danjiraha Shiinaha ee Midowga Afrika iyo wakiilka Guddiga Dhaqaalaha Afrika, Jiyaan Feng, ayaa sheegay in Shiinaha ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso warshadaynta Afrika, taas oo gacan ka geysan doonta horumar waara iyo horumar cagaaran.
Wuxuu xusay in ballaarinta warshadaha ay muhiim u tahay horumarka iyo koboca Afrika, isla markaana ay lagama maarmaan u tahay xaqiijinta Ajandaha 2063 ee Midowga Afrika.
Shiinaha, ayuu yiri, waxay door muhiim ah ka ciyaartaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Afrika si loo xoojiyo warshadaynta. Sidoo kale, maalqabeenno Shiine ah ayaa ku lug leh maalgashi ballaaran oo ku saabsan warshadaha, kaabayaasha dhaqaalaha iyo meelo kale oo qaaradda Afrika ah, taas oo muujinaysa iskaashiga horumarineed ee labada dhinac.
Dhankeeda, Leraato Doroti — Komishanka Kaabayaasha iyo Tamarta ee Midowga Afrika — ayaa sheegtay in Afrika ay u adeegsanayso khayraadkeeda dabiiciga ah si ay u xaqiijiso horumar waara.
Waxay xustay in horumarinta warshadaha iyo si hufan u isticmaalka awoodda bini’aadamka ay muhiim u yihiin horumarka Afrika.
Shiinaha ayaa sidoo kale lagu amaanay dadaalka ay ku bixineyso kor u qaadista dhijitaalka iyo warshadaynta Afrika, iyo tababarka xirfadaha shaqaalaha.
Midowga Afrika ayaa sheegay inuu si wadajir ah ula shaqeynayo Shiinaha si loo ballaariyo dhaqaalaha dhijitaalka ah iyo warshadaynta, taas oo qayb ka ah hirgelinta Ajandaha 2063.
Dr. Simeenew Kesskes, la-taliyaha Wasiirka Hal-abuurka iyo Teknolojiyadda ee Itoobiya, ayaa sheegay in Itoobiya ay warshadaynta u aragto tiirka ugu muhiimsan ee qorshaha horumarka qaranka.
Wuxuu intaas ku daray in maalgashadayaal badan oo Shiine ah ay ku hawlan yihiin warshadaha Itoobiya, taas oo muujinaysa rabitaanka labada dhinac ee horumar wadaag ah.
Ugu dambayn, wuxuu carrabka ku adkeeyay in warshadaha ay door weyn ka ciyaaraan xaqiijinta horumar waara iyo la isku halayn karo, isagoo sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto iskaashiga ay la leedahay dalalka kale si loo gaaro horumar mideysan.