Guryo loo dhisay qoysaska danyarta ee Biyodiidley iyo Dawanle oo xadhigga laga jaray

Addis Ababa, Dirir 26/2018 (ENA): Shirkadda wadada xawaaraha sare lagu maro laanteeda Bariga Dalka ee Dirdhabe illaa Dawanle ayaa si rasmi ah xadhiga uga jartay guryo ay shirkadu udhistay qoysaska danyarta ee tuulooyinka Biyodiidley iyo Dawanle ee degmada Ayshaca.


 

Guryahan oo midkiiba ka kooban laba qol ayaa lagu wareejiyey qoysas danyara oo ku kala nool tuulooyinkaasi kuwaas oo si diirran u soo dhaweeyey tallaabadan, sidoo kalena shirkaddu waxay ku kala wareejisay dugsiyada Harmukale iyo Biyo-qaboobe 

100 kursi dugsigiiba, si ay uga qaybqaataan dadaalada kor loogu qaadayo tayada waxbarashada ardayda.


 

Hadaba Mareeyaha shirkadda, Rooble Cali Xareed oo faahfaahin ka bixiyay hawlahan ay qabanayaan ayaa sheegay in adeega ay shirkaddu bixiso ka sokow ay mudnaan gaara siinayaan taageerida bulshada, dhismaha guryaha danyarta iyo horumarinta waxbarashada.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015