Kulan ku saabsan wadatashi iyo sidii loo xakamayn lahaa sicir-bararka ayaa ka qabsoomay Jigjiga - ENA Af-Soomaali
Kulan ku saabsan wadatashi iyo sidii loo xakamayn lahaa sicir-bararka ayaa ka qabsoomay Jigjiga
Addis Ababa, Dirir 26/2018 (ENA): Kulanka oo uu soo agaasimay Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka Deegaanka Soomaalida ayna kasoo qaybgaleen masuuliyiinta xafiisyada ganacsiga iyo gaadiidka ee gobollada, degmooyinka iyo maamul magaalooyinka ayaa intii uu socday lagaga wadahadlay sidii loo xakamayn lahaa sicir-bararka iyo kahortaga iyo ladagaalanka ganacsiga sharcidarada ah.
Ugu dambayntii, kulanka waxaa la isla qaatay in dhinac looga soo wada jeesto la dagaalanka ganacsiga sharci-darrada ah iyo ganacsatada si iskood ah u qaaliyeeya maciishada, taas oo bulshada dhibaato wayn ku haysa.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya