Mashaariicda Qaran ee dalka ayaa muujinaya danaha qaranka iyo Siyaasadda Iskaashiga Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda

Addis Ababa, Dirir 26/2018 (ENA): Mashaariicda waaweyn ee qaranka Itoobiya ayaa lagu sheegay inay xoojinayaan danaha qaranka iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee ku dhisan iskaashi waara, sida uu sheegay khabiirka siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah, Brofessor Biruk Haylu.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa si rasmi ah u daahfuray dhameystirka mashruuca Biyo-xireenka Weyn (GERD), oo uu ku tilmaamay astaan mideysa shacabka Itoobiya, horumar iyo guul. Brofessor Biruk ayaa sheegay in danaha qaranka Itoobiya ay salka ku hayaan ilaalinta xuduudaheeda, midnimada dowladdeeda, danaha shacabka iyo madax-bannaanida dhaqaalaheeda.

Wuxuu xusay in hore danaha qaranku ay diiradda saarnaayeen madax-bannaani siyaasadeed oo keliya, balse hadda dalka uu xoogga saarayo ka faa’iidaysiga khayraadkiisa dabiiciga ah si uu u xaqiijiyo madax-bannaani dhaqaale oo dhab ah. Mashaariicda sida warshadda bacriminta Godey, mashaariicda tamarta nukliyeerka ee nabadda, Garoonka caalamiga ah ee Bishoftu, iyo warshadda sifeynta Gaaska ee Godey ayaa lagu tilmaamay kuwo beddeli kara saldhigga dhaqaalaha dalka.

Brofessor Biruk ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya ay ku dhisan tahay iskaashi horumarineed, gaar ahaan laamaha tamarta korontada iyo kaabayaasha, taas oo kor u qaadaysa xiriirka iyo ganacsiga wadamada dariska ah.

Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay weligeed aaminsanayd xalinta khilaafaadka si nabad ah, isla markaana mashaariicda ay waddo ay yeelan doonaan saameyn togan oo dhaafaysa xuduudaheeda.

Warshadda cusub ee bacriminta Godey oo ay iska kaashanayaan Hay’adda Maalgashiga Itoobiya iyo Kooxda Daangote. ayaa lagu sheegay inay si weyn u beddeli doonto wax-soo-saarka iyo wax-ku-oolnimada beeralayda dalka. Marka la dhameeyo muddo 40 bilood gudahood, warshaddan ayaa ka dhigi doonta Itoobiya dalka saddexaad ee ugu weyn soo saarista bacriminta ee Afrika, kaddib Naayjeeriya iyo Morooko.

Warshaddu waxay sidoo kale u saamixi doontaa Itoobiya inay bacriminta u dhoofiso dalalka deriska ah sida Kenya, taas oo yarayn doonta ku tiirsanaanta dhoofinta alaabta dibadda.

Mashruuca sifeynta gaaska iyo warshadaha kale ee la xiriira ayaa lagu sheegay inay gacan ka geysan doonaan yaraynta kharashyada lacagaha qalaad iyo kor u qaadista danaha qaran.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015