Dalbashada helida marin badeedka Itoobiya waa arrin sharci iyo taariikhi oo muhiim u ah danaha qaran – Danjire Tirunah Seenaa

Addis Ababa, Dirir 25/2018 (ENA): Danjire sare Tirunah Seenaa, ayaa sheegay in dalbashada Itoobiya ee ku aaddan soo celinta lahaanshaha marin badeeddku tahay arrin sharci iyo taariikh ahaanba la aqbali karo, isla markaana ay tahay mid la xiriirta ilaalinta danaha qaran.

Danjire Tirunah Seenaa, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) in Itoobiya si sharci darro ah looga gooyay marin badeedkeeda, xilli aysan jirin dowlad dimoqraadi ah oo matalaysay rabitaanka shacabka, taas oo uu ku tilmaamay jab qaran iyo dembi taariikhi ah.

Wuxuu sheegay in Itoobiya muddo qarniyo ah ay ahayd dal leh xeebta Badda Cas isla markaana door muuqda ka ciyaartay ilaalinta amniga iyo xasilloonida gobolka. Si kastaba, ayuu yiri, siyaasadaha cadowtinimada iyo khiyaamada taariikhiga ah ayaa sabab u noqday in Itoobiya laga fogeeyo xeebteeda.

Danjiruhu wuxuu sheegay in qaddiyadda marin badeedka Itoobiya ay tahay arrin lagu difaacayo danaha qaranka iyo xasilloonida gobolka, isla markaana ay faa’iido u tahay nabadda iyo horumarka guud ee caalamka.

Ugu dambayn, wuxuu ugu baaqay shacabka Itoobiya, dalalka deriska ah iyo beesha caalamka in ay si buuxda u taageeraan codsiga Itoobiya ee xaqa ku dhisan ee ku saabsan lahaanshaha marin badeed, si loo xaqiijiyo danaha guud iyo nabadda gobolka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015