Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa la kulmay dhiggiisa Faransiiska

Addis Ababa, Dirir 25/2018 (ENA): Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Gedhiyoon Timootiwoos, ayaa kulan kula yeeshay Wasiirka Yurub iyo Arrimaha Dibadda ee Faransiiska, Jean-Noel Barrot, xarunta Quai d’Orsay ee magaalada Baariis.

Labada wasiir ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah iyo arrimo goboleed ee ay labada dal danaynayaan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Itoobiya iyo Faransiiska, iyadoo la isla qaaday fursadaha cusub ee iskaashi dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo horumarinta.

Dr. Gedhiyoon ayaa xusay sida Itoobiya uga go’an tahay in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Faransiiska, halka wasiirka Faransiiskuna uu bogaadiyay kaalinta Itoobiya ee xasillinta gobolka Geeska Afrika.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015