Maxay yihiin arrimaha laga filayo Golaha lixaad ee Wakiillada Shacabka?

Golaha lixaad ee Golaha Wakiillada Shacabka ayaa la filayaa inuu soo dhamaado sanad shaqeedkooda shanaad. Sida uu dhigayo Dastuurka, Golaha wuxuu leeyahay awood sharci-dejin, kormeer iyo la-xisaabtanka hay’adaha fulinta, wuxuuna sidoo kale qabtaa shaqooyin la xiriira diblomaasiyadda baarlamaanka iyo matalaadda shacabka.

Waxaa la sheegay in sanadkan uu yahay kii ugu dambeeyay ee golahan lixdaad ee baarlamaanka. Intii lagu jiray afartii sano ee la soo dhaafay, goluhu wuxuu hirgeliyay go’aamo muujinaya isbeddel qaran oo jawaab u ah baahiyaha shacabka ee horumarka iyo maamulka wanaaga, sida ay sheegeen xubnaha baarlamaanka ee ay wareysatay Wakaaladda Wararka Itoobiya.

Xubnuhu waxay tilmaameen inay si xoogan uga shaqayn doonaan in shaqooyinka la bilaabay ay natiijooyin muuqda keenaan si loo xaqiijiyo horumar waara oo dalka ah.

Dr. Mabraatu Alamu ayaa sheegay in mid ka mid ah qodobada ugu muhiimsan ee laga filayo sanadkan uu yahay wadahadalka ay qaban doonaan Komishinka Wadatashiga Qaranka, kaas oo la aaminsan yahay inuu fursad u yahay xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo dhiirrigelinta dhaqanka wadahadalka ee xalinta dhibaatooyinka taariikhiga ah.

Sidoo kale, Sadiiq Aadan, oo ah xubin kale, ayaa sheegay in kooxaha saaxiibtinimada baarlamaanka ay xoogga saari doonaan xoojinta xiriirka Itoobiya iyo dalalka deriska ah, iyagoo ku hawlan arrimo difaacaya danaha qaranka iyo horumarinta iskaashiga gobolka.

Dr. Alamu Gonfaa ayaa xusay in sanadkan lagu bilaabay mashaariic horumarineed oo badan oo dalka laga hirgelinayo, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in goluhu si dhow ula socon doono hirgelintooda si ay u noqdaan kuwo wax ku ool ah oo degdeg u socda.

Ugu dambayn, xubnuhu waxay sheegeen in diyaarinta xaalado u fududeyn kara golaha xiga ay qayb muhiim ah ka tahay masuuliyadooda.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015