Cimilada habeenkii iyo subaxdii ee qabowga ayaa sii kordhaya Bartamaha, Bariga iyo Koonfurta Itoobiya – Machadka

Addis Ababa, Dirir 24/2018 (ENA): Machadka Saadaasha Hawada Itoobiya ayaa sheegay in qabowga habeenkii iyo subaxdii uu si tartiib tartiib ah ugu sii kordhayo gobollada bartamaha, bariga iyo koonfurta sare ee dalka.

Machadku oo warbixin usoo diray wakaaladda wararka Itoobiya (ENA) ayaa sheegay in xaaladda cimilada iyo hawada ay isbeddelayso, isla markaana meelo badan oo dalka ka mid ah ay sii galayaan xilli qabow.

Warbixintu waxay tilmaantay in magaalooyin ay ka mid yihiin Dhabre Birhaan, Arsi Roobe, Adaba, Dhase, Baale Roobe, Addis Ababa, Adelle, Amba Mariyam, Komboljaa iyo Ankoober, ay heerkulku hoos ugu dhici doono shan darajo inta badan habeenkii iyo aroortii.

Sidoo kale, gobollada Koonfureed, Koonfur-galbeed iyo Koonfur-bari ee dalka ayaa la sheegay inay heli doonaan roobab dhexdhexaad ah toban maalmood ee soo socda, halka inta kale ee dalka ay sii wadi doonaan cimilo kulul, qorrax badan iyo dabaylo.

Machadku wuxuu intaa ku daray in roobabkaas ay noqon doonaan kuwo faa’iido u leh dalagyada weli aan bislaan iyo dhirta joogtada ah, maadaama ay gacan ka geysan doonaan buuxinta baahida biyaha ee dhirta, miraha iyo xoolaha.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in qaar ka mid ah dooxooyinka sida Baro Akobo, Omo Gibe, Genaale, Daawa, Ogaadeen, Shabelle, Shalaqoda sare iyo hoose ay yeelan doonaan qulqul biyood oo wanaagsan.

Ugu dambayntii, dooxooyinka Canfarta ee Danakil, Awaash, Tekese, Mereb Gaash iyo Aysha ayaa la filayaa inay yeeshaan cimilo qallalan, sida uu machadku sheegay.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015