Itoobiya ayaa shaacisay isreeb-reebka heer kooxeed ee CECAFA ee wixii 17-jirada ka hooseeya

Addis Ababa, Dirir 21/2018 (ENA): Itoobiya ayaa si rasmi ah u shaacisay jadwalka isreeb-reebka heer kooxeed ee tartanka CECAFA ee loogu diyaar garoobayo Koobka Qaramada Afrika ee da’yarta ka hooseeya 17 sano jirka, kaas oo la qaban doono sanadka 2026 ayna martigalinayso dalka Marooko.

Tartanka isreeb-reebka ee CECAFA, oo lagu ogaanayo labada dal ee matalaya Bariga iyo Bartamaha Afrika, ayaa lagu qaban doonaa Itoobiya intii u dhaxeysa 6-da ilaa 23-ka bisha Gudba 2018.

Shaxda maanta lagu dhawaaqay, ayaa muujisay in Itoobiya—oo ah martigeliyaha—ay kooxda koowaad iskuraaceen, Soomaaliya, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Rwanda.

Halka, kooxda labaad ay iskuraaceem Uganda, Tansaaniya, Jabuuti, Suudaan iyo Burundi.

Ciyaaraha ayaa lagu qaban doonaa garoomada Abebe Biqila, Addis Ababa iyo Garoonka Caalamiga ah ee Diri Dhaba.

Labada dal ee ugu sareeya tartanka isreeb-reebka ayaa u soo bixi doona Koobka Qaramada Afrika ee da’yarta 17-jirka ah, iyagoo matalaya CECAFA.

Tartanka qaramada ee 17-jirada ee 16-aad ee CAF ayaa la qorsheeyay in lagu qabto Marooko 2026, waxaana ka qayb geli doona 16 dal oo ay ku jirto dalka martida loo yahay.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015