Midowga Afrika ayaa dahfuray qorshe maalgashi oo 30 Bilyan oo doolar ah oo lagu horumarinayo Duulista Hawada Afrika - ENA Af-Soomaali
Midowga Afrika ayaa dahfuray qorshe maalgashi oo 30 Bilyan oo doolar ah oo lagu horumarinayo Duulista Hawada Afrika
 
           Addis Ababa, Dirir /2018 (ENA): Qorshahan ayaa lagu soo bandhigay Shirkii 3aad ee Maalgelinta Kaabeyaasha Afrika oo ka dhacay magaalada Luwaandha ee dalka Angola, waxaana ka qaybgalay madaxda Midowga Afrika, hogaamiyeyaasha qaaradda, iyo madaxda shirkadaha duulimaadyada.
Maalgashigan ayaa lagu qorsheeyay in lagu casriyeeyo garoomada diyaaradaha, nidaamyada duulista, xarumaha tababarka shaqaalaha, iyo tiknoolajiyada amniga iyo maamulka hawada, si loo daboolo baahida sii kordheysa ee duulimaadyada gudaha qaaradda.
Midowga Afrika ayaa sheegay in $10 bilyan ay ka imaan doonaan dowladaha Afrika iyo bangiyada horumarinta, halka $20 bilyan laga heli doono maalgeliyeyaasha gaarka ah iyo sanduuqyada maalgashiga.
Tirada rakaabka duulimaadyada Afrika ayaa la filayaa inay ka korodho 160 milyan oo qof ee sanadkii 2024 ayna gaarto 500 milyan sanadka 2050, taas oo muujinaysa muhiimadda maalgashigan.
Ugi dambayntii, Midowga Afrika ayaa ku tilmaamay duulista hawada “mishiinka mideynaya Afrika,” isla markaana muhiim u ah Ajandaha 2063 iyo suuqa ganacsiga xorta ah ee Afrika (AfCFTA), isagoo caddeeyay in mashaariicda la fulinayo ay noqon doonaan kuwo waara oo aad ugu wanaagsan ilaalinta deegaanka.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya