Itoobiya Dib ugu noqoshadeeda Badda Cas Waa lama huraan si ay u difaacdo danta dhaqaalaheeda iyo madax-bannaanideeda qarannimo

Addis Ababa, Dirir 20/2018 (ENA): Brofessor Biruk Haylu oo Wakaaladda Wararka Itoobiya u waramay ayaa sheegay in Itoobiya ay qasab tahay inay dib ugu noqoto Badda Cas si ay u ilaaliso danteeda dhaqaale iyo jiritaankeeda qarannimo.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa kalfadhi uu yeeshay Golaha Wakiillada Shacabka kaga jawaabay su’aalihii ay xildhibaanadu weydiiyeen, isagoo sheegay in arrinta Badda Cas ay tahay mid sharci, taariikhi, juqraafi iyo dhaqaale ah.

Brofessor Biruk Haylu, oo wax ka dhiga jaamacado ku yaalla Itoobiya iyo Mareykanka, ayaa sheegay in kala go’a Itoobiya iyo Badda Cas aanu lahayn sal sharci ah. Wuxuu xusay in Itoobiya ay tahay dalka ugu dadka badan 44 dal oo aan marin badeed lahayn.

Wuxuu intaas ku daray in Itoobiya aysan ku cusubayn Badda Cas, isagoo xasuusiyey in boqortooyooyinkii hore ay lahaan jireen maraakiib xooggan oo ka ganacsan jiray ilaa beershiya, Baabul mandab iyo Hindiya.

Markii Itoobiya ay lahayd dekedda Badda Cas, waxay xiriir ganacsi oo xooggan la lahayd boqortooyooyinkii Roomaanka iyo Giriigga. Sidaas darteed ayuu yidhi, waa lama huraan in Itoobiya ay dib u hesho marin badeedkeeda si ay u ilaaliso danteeda dhaqaale iyo jiritaankeeda qarannimo.


 

Brofessor Biruk ayaa xusay in Itoobiya ay leedahay siyaasad arrimo dibadeed oo ku dhisan iskaashi, isla markaana dib ugu noqoshada Badda Cas ay leedahay faa’iido dhaqaale oo ballaaran.

Wuxuu sheegay in 16 dal oo Afrika ku yaal ay yihiin kuwo aan lahayn marin badeed, halka Itoobiya 34 sano ka hor lahayd xeeb qiyaastii 2000 km dheer.

Isagoo tusaale u soo qaatay dalalka Simbabwe iyo Malaawi oo isticmaala dekedaha Mosaambiig, ayuu sheegay in codsiga Itoobiya uu yahay mid sharci ah oo nabadeed, loona baahan yahay in deriska si cadaalad ah u arkaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Itoobiya ay leedahay sal sharci ah oo u saamaxaya inay dacwad u gudbiso maxkamadda caalamiga ah si ay u difaacdo jiritaankeeda.

Brofessor Biruk wuxuu carrabka ku adkeeyey in aanay jirin dal xaq u leh inuu ka hor istaago Itoobiya inay isticmaasho marin badeed, maadaama dalalka leh dekedaha ay leeyihiin waajibaad iskaashi.

Wuxuu intaas ku daray in mowqifka nabadeed ee Itoobiya ku wajahday arrintan uu helay aqbalaad caalami ah oo ay siiyeen in ka badan 20 dal.

Ugu dambayn, wuxuu sheegay in dalalka Yurub iyo kuwa Badda Cas ay bilaabeen inay aqoonsadaan xaqa Itoobiya ee marin badeed, taas oo uu ku tilmaamay natiijada dadaalka diblomaasiyadeed ee dawladda.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015