Beddelidda nolosha bulshada reer miyiga waxay fure u tahay xaqiijinta barwaaqada laba-geesoodka ah ee Itoobiya – Afhayeen Taagasa Jaafo - ENA Af-Soomaali
Beddelidda nolosha bulshada reer miyiga waxay fure u tahay xaqiijinta barwaaqada laba-geesoodka ah ee Itoobiya – Afhayeen Taagasa Jaafo
 
           Addis Ababa, Dirir 20/2018 (ENA): Afhayeenka Golaha Wakiilada Shacabka JDFI, Taagasa Jaafo, ayaa sheegay in dadaalka lagu beddelayo nolosha bulshada reer miyiga iyo kor u qaadidda wax-soo-saarku uu yahay dariiqa lagu xaqiijin karo barwaaqada laba-geesoodka ah ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa dhawaan kormeer ku tagay degma ku taalla Berriga Gobalka Shewa ee Oromiya, halkaas oo lagu goynayay dalagga qamadiga xilligan, isla markaana lagu bilaabay beerista qamadiga xilli beereedka xiga
Taagasa Jaafo oo ka hadlay kaddib booqashadaas ayaa tilmaamay in dadaalka lagu horumarinayo nolosha bulshada reer miyiga uu yahay mid muhiim u ah xaqiijinta barwaaqada dalka iyo xasilloonida dhaqaalaha.
Wuxuu sheegay in dowladda ay xoogga saarayo beddelidda nolosha magaalooyinka iyo hagaajinta adeegyada bulshada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo abuurista fursado shaqo oo waara.
Waxaa la sheegay in sanad miisaniyadeedkan cusub qorshuhu yahay in la dhiso guryo badan, maadaama bulshada badankeed ay ku nool yihiin miyiga, isla markaana dowladda ay ka go’an tahay inay kobciso wax-soo-saarka iyo nolosha dadka ku nool deegaannadaas.
Taagasa Jaafo, wuxuu xusay in beeraleyda ku nool miyiga Itoobiya ay hadda si weyn u kordhiyeen wax-soo-saarkooda, gaar ahaan dhanka khudaarta, miraha, iyo dalagyada kale, taas oo muujinaysa guusha qorshaha horumarineed ee dowladda.
Wuxuu tusaale u soo qaatay deegaanka Kuta oo ku yaalla Berriga Gobalka Shewa, halkaas oo beeraleydu ay qamadiga ku gooyaan mashiinno casri ah, taas oo calaamad u ah isbeddelka dhanka tiknoolajiyadda iyo kor u kaca wax-soo-saarka.
Taagasa Jaafo, ayaa sheegay in Itoobiya ay hadda si dhab ah u waddo qorshe ay isku filnaansho ku gaari doonto dhanka qamadiga, bariiska iyo agokaadhoda, taas oo qayb ka ah yoolka isku-filnaanshaha cuntada ee dalka.
Wuxuu intaas ku daray in dalku horey uga tanaasulay keenista qamadiga dibadda, taasna ay tahay mid muujinaysa guusha dadaalka lagu kordhiyay awoodda wax-soo-saarka gudaha.
Afhayeenku wuxuu sheegay in haddii qorshaha hadda socda la sii xoojiyo, muddo kooban gudaheed lagu xaqiijin doono barwaaqada laba-geesoodka ah ee Itoobiya, isagoo tilmaamay in isbeddellada lagu sameeyay miyiga ay hore u muujinayaan natiijooyin wax ku ool ah.
Ugu dambayn, wuxuu carrabka ku adkeeyay in dadaalka lagu beddelayo nolosha reer miyiga uu yahay mid rajadiisu weyn tahay, isla markaana lagu gaari karo horumar iyo barwaaqo muuqda marka la kordhiyo helitaanka adeegyada iyo fursadaha dhaqaale ee bulshada.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya