Mashaariicda wax ku oolka ah ee lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo dhisidda jiilka cusub ayaa guulo laga gaaray - ENA Af-Soomaali
Mashaariicda wax ku oolka ah ee lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo dhisidda jiilka cusub ayaa guulo laga gaaray
 
           Addis Ababa, Dirir 20/2018 (ENA): Ururka Macallimiinta Itoobiya ayaa sheegay in mashaariicda wax ku oolka ah ee lagu horumarinayo tayada waxbarashada iyo dhisidda jiilka cusub laga gaaray guulo muuqda.
Waxaa la xusay in mashruuca “Waxbarasho loogu talagalay Jiilka” ee uu hirgeliyay Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed uu si weyn uga qayb qaatay dadaallada lagu horumarinayo tayada waxbarashada dalka.
Ra’iisul Wasaare Abiy oo hortagay Golaha Wakiillada Shacabka, uu sheegay in iskaashiga dowladda iyo bulshada uu suurta geliyay in la fuliyo hawlo wax ku ool ah oo qayb ka ah mashruuca “Waxbarasho loogu talagalay Jiilka,” kuwaas oo natiijooyin la taaban karo laga arkay.
Mashruucan ayaa ujeeddadiisu tahay ilaalinta iyo kor u qaadista tayada waxbarashada, laga bilaabo heerarka hoose ee waxbarashada ilaa kuwa sare, si loo dhiso jiil aqoon iyo akhlaaq leh.
Sidoo kale, waxaa lagu sheegay in macallimiinta la siiyay tababaro kala duwan si kor loogu qaado xirfadahooda iyo tayada waxbarashada guud ahaan. Dadaalladan ayaa wax ka beddelay nidaamka imtixaannada iyo maamulka tayada waxbarashada.
Ururka Macallimiinta Itoobiya ayaa tilmaamay in natiijooyin wax ku ool ah laga gaaray hawlaha lagu xoojinayo daryeelka ardayda iyo tayada waxbarashada, taasoo bulshada ka dhigtay mid si toos ah uga faa’iidaysa.
Dr. Yohannes Benti, madaxweynaha Ururka Macallimiinta Itoobiya, ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA) in mashaariicdii la hirgeliyay sanadadii la soo dhaafay ay keeneen horumar dhab ah oo lagu soo celiyay kalsoonida waxbarashada dalka.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in mashruuca “Waxbarasho loogu talagalay Jiilka,” ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, uu horseeday isbeddel muuqda oo lagu xoojiyay waaxda waxbarashada dalka.
Wuxuu sheegay in gaar ahaan heerka dugsiyada hoose iyo kuwa dhexe, barnaamijyada lagu hagaajinayo waxbarashada ay natiijooyin la taaban karo muujiyeen, ayna ka mid yihiin meelaha ugu guusha badan ee mashruucu taabtay.
Ugu dambayntiu, Dr. Yohannes wuxuu intaas ku daray in mashruucu weli si guul leh u socdo, isla markaana loo baahan yahay in la sii xoojiyo, maadaama uu gacan ka geysanayo dhisidda jiil wax bartay oo karti leh iyo sare u qaadista tayada waxbarashada dalka.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya