Warshadaha wax soo saarka Itoobiya oo door muhiim ah ku yeelanaya dhaqaalaha dalka – Malaaku Alabal - ENA Af-Soomaali
Warshadaha wax soo saarka Itoobiya oo door muhiim ah ku yeelanaya dhaqaalaha dalka – Malaaku Alabal
 
           Addis Ababa, Dirir 20/2018 (ENA): Wasiirka Warshadaha Itoobiya, Malaaku Alabal, ayaa sheegay in doorka uu waaxda warshadaha wax soo saarku ku leeyahay dhaqaalaha dalka uu sanadba sanadka ka dambeeya sii kordhayo.
Wasiirku wuxuu xusay in kororka wax-soo-saarka gudaha ee Itoobiya uu muujinayo horumar joogto ah oo uu waaxda warshaduhu ku tallaabsanayo, taasoo ay suurta gelisay dadaalka lagu xoojinayo “Ololaha Wax Soo Saaridda Itoobiya.”
Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa sidoo kale sheegay in sanadkii hore, waaxda warshaduhu ay diiwaangelisay koboc dhan 13 boqolkiiba, halka doorkeeda guud ee GDP-ga uu gaaray 3.7 boqolkiiba. Wuxuu xusay in markii hore horumarka warshadaha uu inta badan ka iman jiray dhismaha, balse hadda isbeddel weyn laga dareemayo warshadaha wax-soo-saarka iyo macdanta.
Malaaku Alabal ayaa sheegay in ololaha “Dhaqdhaqaaqa Wax Soo saarka Warshadaha” ay ujeeddadiisu tahay kor u qaadidda awoodda wax-soo-saarka warshadaha gudaha iyo xoojinta dhaqaalaha dalka, iyadoo la adeegsanayo kheyraadka dabiiciga ah iyo awoodda shaqaalaha Itoobiya. Wuxuu intaas ku daray in dadaalladaasi ay sare u qaadeen wacyiga ku aaddan kordhinta wax-soo-saarka gudaha iyo badeecooyinka loo dhoofiyo dibadda.
Wasiirka ayaa tilmaamay in la tirtiray caqabado dhowr ah oo hor taagnaa warshadaha, taasoo suurtagelisay in la kordhiyo awoodda wax-soo-saarka iyo in la dhiirrigeliyo badeecooyin la tartami kara kuwa dibadda laga keeno.
Sannadkii 2014, warshadaha wax soo saarku waxay diiwaangeliyeen koboc dhan 4.8%, balse tan iyo sannadkii 2017 waxay gaareen 10.3%, waxaana la filayaa in sannadka miisaaniyadda ee 2018 kobocoodu ka bato 12%.
Ugu dambayntii, Wasiir Malaaku Alabal wuxuu sheegay in kororka muuqda ee laga diiwaangelinayo waaxda warshadaha uu caddeyn u yahay sida ay warshaduhu door muuqda uga qaadanayaan xoojinta dhaqaalaha iyo koboca guud ee dalka.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya