Codsiga Itoobiya ee marin badeedka waa mid sharci ah oo mudan in laga jawaabo

Addis Ababa, Dirir 20/2018 (ENA): Waqtigii laga dhigi jiray in codsiga Itoobiya ee marin badeed loo arko “dambi” waa uu dhammaaday, waxaana hadda loo arkaa arrin sharci ah oo ku saabsan xuquuqda waddanka, sida ay sheegeen khubaro.

Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa dhawaan u sheegay xubnaha Baarlamaanka in inkasta oo Itoobiya ay lahayd xuquuq sharci, taariikhi, iyo juqraafiyeed oo ku saabsan Badda Cas, haddana ilaa hadda aan la helin caddayn rasmi ah oo muujinaysa sida iyo cidda ay xuquuqdaas ku wayday. Wuxuu xusay in laga maqnaado badda ay tahay arrin aan la aqbali karin, sidaas darteedna dowladda ay u aragto arrintan mid ku saabsan jiritaanka iyo madaxbannaanida dalka.


 

Macallinka taariikhda Brof. Ayele Bekri iyo cilmi-baare ka tirsan Jaamacadda Qaranka ee Australia, Daniyeel Mekonnen, ayaa labaduba ku dooday in waqtigii su’aasha marin badeedka lagu tilmaami jiray dambi uu dhammaaday, ayna tahay in Itoobiya codsigeeda loo arko mid sharci ah oo xaq u leh jawaab rasmi ah.


 

Brof. Ayele wuxuu sheegay in badda iyo marin badeedku ay ahaayeen laf-dhabarka nolosha iyo horumarka Itoobiya, wuxuuna tilmaamay in lumintaas ay weli murugo ku tahay shacabka. Dr. Abiy-na wuxuu ku tilmaamay doodda marin badeedka mid sharci, taariikhi, juqraafi, iyo dhaqaale ahaan muhiim ah.

Cilmi-baare Daniyeel Mekonnen wuxuu ku nuuxnuuxsaday in marka la eego tirada dadka Itoobiya, awoodda dhaqaale ee sii kordheysa, iyo goobta juqraafiyeed ee muhiimka ah, ay lagama maarmaan tahay in Itoobiya hesho marin badeed u qalma.

Ugu dambayn, khubaradu waxay ku booriyeen shacabka iyo dowladda inay si midaysan uga wada shaqeeyaan difaaca iyo xaqiijinta xuquuqdaas, iyagoo sheegay in dowladdu hadda qaadatay mowqif adag oo ka tarjumaya danaha qaranka.

#Itoobiya  #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015