Itoobiya waxay ku jirtaa isbeddel weyn oo horumarineed – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen Tamasgan Tiruneh - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxay ku jirtaa isbeddel weyn oo horumarineed – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen Tamasgan Tiruneh
 
           Addis Ababa, Dirir 20/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Itoobiya Tamasgan Tiruneh ayaa sheegay in Itoobiya ay ku jirto marxalad isbeddel iyo horumar weyn, isagoo tusaale u soo qaatay Bariga Gobalka Shewa ee Oromiya, oo muujinaya guulaha muuqda ee la gaaray.
Tamasgan ayaa booqday mashruucyada beeraha ee ka socda Bariga Gobalka Shewa, halkaas oo uu sheegay in beeralaydu ay ka shaqeynayaan si qorshaysan, farsamada casriga ah re beeraha ayna si weyn ugu fidayso, suuqyaduna ay si fiican u shaqeynayaan, iyadoo dowladduna bixineyso dadaalkeeda hogaamin tayo leh.
Wuxuu tilmaamay in dadaalka iyo qorsheynta joogtada ahi ay horseedeen guulaha muuqda, isagoo sheegay in natiijada ay tahay mid ay sabab u tahay hal-abuurka iyo dadaalka bulshada Itoobiya.
Tamasgan wuxuu intaa ku daray in goobo badan ay hadda ka socdaan goosashada qamadiga, iyadoo dhinaca kalena loo diyaar garoobayo beerista xilliga xiga, halka beeralayda deegaanka ay ka faa’iideystaan biyaha dooxa Awaash si ay ugu fuliyaan mashaariic horumarineed oo kala duwan.
Wuxuu sheegay in beeralayda Itoobiya ay hadda ka guurayaan heerkii caawinta ee Safety Net-ka una gudbayaan heer wax-soo-saar iyo madaxbannaani dhaqaale, taas oo muujinaysa isbeddel dhab ah oo dhinaca nolosha iyo dhaqaalaha ah.
Sidoo kale, wuxuu xusay in beeraha mooska iyo babayaga ay si fiican u kobcayaan, taas oo qayb ka ah dadaalka lagu ballaarinayo wax-soo-saarka miraha iyo khudaarta ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in beeraha ay kamid yihiin shanta tiir ee ugu muhiimsan ee isbeddelka qaranka, isagoo carrabka ku adkeeyay in horumarka beeraha uu saldhig u yahay koboca warshadaha iyo dhaqaalaha guud ee dalka.
Ugu dambeyn wuxuu sheegay in haddii la sii wado dadaalkan, Itoobiya ay dhowaan ka bixi doonto saboolnimada oo ay gaari doonto heer dhaqaale oo waara.
#Itoobiya 
 #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya