Horumarinta marinnada magaalada Jigjiga ayaa tusaale u noqday magaalooyinka kale ee deegaanka

Addis Ababa, Dirir 19/2018 (ENA): Horumarka marinnada magaalada Jigjiga ayaa lagu sheegay inuu ka qeyb qaatay bilicda iyo nadaafad a caasimada deegaanka, isla markaana uu tusaale u yahay magaalooyinka kale ee deegaanka, sida ay sheegeen qaar ka mid ah shacabka magaalada.

Mashruuca horumarinta marinnada oo markii hore laga hirgeliyey magaalada Addis Ababa, ayaa hadda ku faafaya magaalooyinka kale ee dalka, si ay u noqdaan kuwo qurux badan, ganacsi iyo nolol ahaana u fudud.

Wareegga koowaad ee horumarinta marinnada ee Jigjiga, oo magaalada siiyay bilic cusub, ayaa abuuray fursado shaqo iyo isdhexgal bulsho, sida ay sheegeen dadka magaalada.


 

Qaar kamid ah bulshada magaalada oo la hadlay wakaaladda wararka Itoobiya (ENA) waxay sheegeen in mashruucu uu kor u qaaday dhaq-dhaqaaqa magaalada, isla markaana ay habboon tahay in la gaadhsiiyo magaalooyinka kale ee deegaanka.

Waxay intaas ku dareen in mashruucu ballaariyay marinnada lugta iyo wadooyinka gaadiidka, isla markaana meesha ka saaray xaaladdii nadaafad-daro ee hore, taasoo keentay magaalo nadiif ah oo caafimaad qaba.


 

Xasan Jibriil, ayaa sheegay in wajiga koobaad ee mashruuca marinnada ee Jigjiga ay magaalada ka dhigtay tusaale ay magaalooyinka kale ku daydaan, isagoo xusay in tani dhiirrigelisay horumar iyo isbeddel muuqda.


 

Muktaar Yuusuf isna wuxuu tilmaamay in mashruucu si weyn u beddelay muuqaalka magaalada, islamarkaana uu ka dhigay meel qurux badan oo leh marinno waaweyn oo sahlay socodka dadka iyo gaadiidka.

Sidoo kale, Kamaal Sheekh Cumar ayaa sheegay in mashruucu keenay isbeddel weyn oo ay magaalada ku tallaabsatay, isagoo xusay in marinadii hore aysan ay adkayd isu socodka lugta, balse hadda ay si wanaagsan loo hirgaliyay.

Mashruuca marinnada ee magaalada Jigjiga, oo dhererkiisu yahay 10 kiiloomitir, ayaa la dhammeystiray waxaana si rasmi ah u furay Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed. Waxaa sidoo kale la sheegay in barnaamijkan uu soo jiitay xiisaha dalal kale oo Afrika ah, maadaama uu tusaale u yahay horumar waara oo magaalooyin kale ku daydaan.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015