Madasha dacwad ogeyaasha waa fursad wanaagsan oo lagu isweydaarsado aragtiyo ku saabsan caqabadaha iyo fursadaha nidaamka caalamiga ah ee isbeddelaya - Wasiir Hanna Arayasellasse

Addis Ababa; Dirir 20/2018 (ENA):- Madasha dacwad ogeyaasha ee Shiinaha iyo Afrika waa fursad wanaagsan oo la isku weydaarsado aragtiyo ku saabsan caqabadaha iyo fursadaha nidaamka teknoolojiyadda ee isbeddelaya iyo nidaamka caalamiga ah ee badan ee cidhifyada leh, ayay tiri Wasiirka Caddaaladda Hanna Arayasellasse.

Madasha dacwad ogeyaasha ee Shiinaha iyo Afrika ayaa si rasmi ah uga furmay Guangjuu, Gobolka Guangdong, ee dalka Shiinaha.

Iyadoo ka hadashay madasha, Wasiirka Caddaaladda ayaa sheegtay in Madasha dacwad ogeyaasha ee Shiinaha iyo Afrika ay sii xoojisay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya dalalka Afrika iyo Shiinaha.

Waxay sheegtay in la aasaasay nidaam iskaashi, gaar ahaan horumarinta dhaqaalaha iyo hirgelinta iskaashi siyaasadeed oo ixtiraamaya dhammaan dhinacyada.

Waxay tilmaamtay in qabashada Madasha Iskaashiga Dacwad oogayaasha Shiinaha iyo Afrika ay tahay fursad wanaagsan oo lagu isweydaarsado fikradaha ku saabsan nidaamka adduunka ee isbeddelaya.

Hadaleda, Wasiiraddu waxay ku sheegtay in dacwad-oogayaashu ay door muhiim ah ka ciyaaraan horumarinta caddaaladda iyo hubinta sarreynta sharciga, sida ku cad xogta ay Wasaaradda Caddaaladda u soo dirtay ENA.

Waxa kale oo ay sheegtay in, iyadoo la raacayo heshiiskii ay wada galeen dalalka Afrika iyo Shiinaha ee ahaa inay iska kaashadaan nabadda iyo xasilloonida, ay tahay inay la kulmaan caqabado iyagoo wata ruux iskaashi oo sii kordhaya.

Chen Wenqing, Xoghayaha Guddiga Siyaasadda iyo Arrimaha Sharciga ee Guddiga Dhexe ee Xisbiga Shuuciga ee Shiinaha, oo furay madasha, ayaa sheegtay in Madasha Iskaashiga dacwad-ogeyaasha Afrika iyo Shiinaha ay tahay inay noqoto madal ay dalalka Afrika iyo Shiinaha ku fahmaan doorka wax dhisaya ee ilaalinta sarreynta sharciga ee horumarinta waddan iyo abuurista iskaashi xooggan.

Waxa kale oo uu sheegay in dalalka Afrika iyo Shiinaha ay tahay inay sii wadaan wada shaqeynta iyagoo is-weydaarsanaya khibradaha.

Itoobiya, Aljeeriya, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Masar, Kenya, Morojo, Mozambiik, Nayjeeriya, Koonfur Afrika, Ugandha, Zambiya iyo Zimbabwe ayaa ka qayb qaadanaya madasha.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015