Horumarinta Marinada waa mashruuc weyn oo soo saaray awoodda hal-abuur ee qarsoon — Raysal Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa; Dirir 19/2018 (ENA): Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in horumarinta marinada uu yahay mashruuc weyn oo soo saaraya awoodo badan oo hal-abuur leh oo qarsoon.

Kulankii labaad ee caadiga ahaa ee sannadkii 5-aad ee Golaha Wakiillada Dadweynaha ayaa lagu qabtay iyada uu goob joog ka ahaa Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.).

Sharaxaaddiisa su'aalaha ay Goluhu ka waydiiyren hprumarinta marinada, Ra'iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in horumarinta marinada ee ka socda Addis Ababa ay beddeshay qaab nololeedka isla markaana ay keentay awood hal-abuur leh.

Wuxuu sheegay in qandaraaslayaasha maxalliga ah ay awood u yeesheen inay si habboon isuduwiyaan oo ay qabtaan shaqooyin adag oo aysan qandaraaslayaasha ajnabiga ahi hore u qaban karin.


 

Wuxuu sheegay in horumarinta marinada ay tahay hawl weyn oo soo bandhigaysa awoodo badan oo hal-abuur leh oo qarsoon, iyo in marka laga soo tago horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ay sidoo kale keenayso isbeddel weyn oo ku yimaada nolosha bulshada.

Wuxuu sheegay in garoomada ciyaaraha ee laga dhisay magaalada ay u ogolaadeen dhalinyarada inay galaan garoonka kubadda cagta, dadka waaweynna ay sidoo kale u abuureen fursado ay ku abaabulaan oo ay ku tababaraan ciyaaraha si ay u ilaaliyaan caafimaadkooda.

Wuxuu tilmaamay in horumarinta marunada ay kordhinayso xiriirka qoyska, wuxuuna tusaale u soo qaatay in dhalinyaro hore uga go'doonsanaa bulshada iyo wadajirka iyagoo daawanaya filimada iyo ciyaaraha barxadda ay hadda soo baxayaan.

Isagoo sheegay in tani ay tahay arrin badbaadinaysa muwaadiniinta iyo bulshada, wuxuu sheegay in horumarku uu bogsiinayo cilmi-nafsiga jiilalka Itoobiya.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015