Itoobiya waxay ku dadaaleysaa sidii ay u heli lahayd marin badeed – Xubnaha Golaha Wakiiladda Shacabka - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waxay ku dadaaleysaa sidii ay u heli lahayd marin badeed – Xubnaha Golaha Wakiiladda Shacabka
 
           Addis Ababa, Dirir 18/2018 (ENA): Xubnaha Golaha Wakiilada Shacabka ayaa shaaca ka qaaday in Itoobiya ay dadaalkeeda ku aaddan helidda marin badeed ay u socoto si buuxda, iyadoo laga wada qaybqaadanayo.
Golaha ayaa kalafadhiga labaad ee caadiga ahaa ee sanad shaqeedka shanaad yeeshay maanta, iyadoo uu ka qaybgalay Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed, halkaasoo xubnuhu kusoo jeediyeen su’aalaha la xiriira arrintan. Ra’iisul Wasaaraha ayaa bixiyay jawaabo iyo faahfaahin ku saabsan su’aalaha la soo jeediyay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in arrinta marin badeedka ay tahay mid sharci, taariikhi, juquraafi iyo dhaqaale ahaan muhiim u ah dalka. Wuxuu caddeeyay in go’aanka lagu gaadhay in Itoobiya ay lumiso marinka uu ahaa mid aan laga wadatashan.
Xubnaha Golaha ayaa xaqiijiyay in codsiga Itoobiya ee marin badeedku uu yahay mid caddaalad iyo faa’iido wadaag ku dhisan. Xildhibaan Sadiiq Aadan ayaa sheegay in codsiga Itoobiya uu aqoonsi ka helay heer caalami. Wuxuu tilmaamay in Itoobiya aysan u habboonayn in ay ahaato marin badeed la'aan, isla markaana codsigeeda uu ku salaysan yahay nabad iyo wada-hadal.
                
                
Xildhibaan Asteer Kaftaw ayaa caddeysay in arrinta marin badeedku ay tahay arrin qaran oo muhiim u ah Itoobiya. Waxaana la tilmaamay in guusha arrintan ay ku xirnaan doonto ka qaybqaadashada dhammaan shacabka.
                
                
  
Waxaa sidoo kale la xusay in dhaqaalaha Itoobiya oo sii kordhaya uu ka dhigay arrintan mid asaasi u ah horumarka dalka, halka Danjire Towfiiq Cabdulaahi uu sheegay in codsiga marin badeed uu yahay ajenda qaran oo dhaxal gal ah, isla markaana aqoonsi caalami ah helaya.
Xubnaha Golaha Wakiilada Shacabka ayaa ku adkeystay in codsiga marin badeedku uu yahay mid ku dhisan nidaam, loona baahan yahay in la helo jawaab iyo aqoonsi caalami ah oo waafaqsan sharciyada.
#Itoobiya 
 #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya