63 Milyan oo bulshada dalka ah ayaa ka faa’iidaysta Caymiska Caafimaadka - ENA Af-Soomaali
63 Milyan oo bulshada dalka ah ayaa ka faa’iidaysta Caymiska Caafimaadka
 
           Addis Ababa, Dirir 18/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare, Abiy Ahmed (Dr.), ayaa sheegay in in ka badan 63 milyan oo muwaadiniin ah ay hadda ka mid yihiin dadka ka faa’iidaysta caymiska caafimaadka ee dalka.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in Itoobiya ay si firfircoon uga shaqeyneyso ballaarinta adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka, taas oo suurto galisay in malaayiin qof helaan adeegyo caafimaad oo joogto ah.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in lagu jiro dadaal lagu yareynayo ku tiirsanaanta dawooyinka laga keeno dibadda, iyadoo la dhiirrigelinayo soo saarista dawooyinka gudaha dalka.
Ugu dambayntii, isagoo tusaale u soo qaatay mashruuca cusub ee Isbitaalka Quduus Baawlos, wuxuu sheegay in la dhisayo xarun leh kun sariirood, taasoo marka la dhameystiro si buuxda ugu adeegi doonta bulshada.
#Itoobiya 
 #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya