Waxaa si ballaaran loo wadaa hawlo lagu tayeynayo waxbarashada laguna dhisayo jiilka cusub—Ra’iisul Wasaarae Dr. Abiy Axmed - ENA Af-Soomaali
Waxaa si ballaaran loo wadaa hawlo lagu tayeynayo waxbarashada laguna dhisayo jiilka cusub—Ra’iisul Wasaarae Dr. Abiy Axmed
 
           Addis Ababa, Dirir 18/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed ayaa sheegay in guud ahaan dalka laga wado dadaallo ballaaran oo lagu hagaajinayo tayada waxbarashada isla markaana lagu dhisayo jiil cusub oo aqoon, akhlaaq iyo caafimaad leh.
Wuxuu sheegay in dadaallo xooggan la qaadayo si loo tirtiro falalka anshaxa xun ee ka agdhaca goobaha waxbarashada, iyo in la hirgelinayo mashruuca “Waxbarasho loogu talagalay Jiilka Mustaqbalka” oo lagu horumarinayo nolosha ardayda iyo macallimiinta.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu intaa ku daray in si loo gaadho waxbarasho tayo leh, macallimiinta la siiyay tababaro kala duwan oo kor loogu qaadayo aqoontooda, isla markaana wax laga beddelay habka imtixaannada iyo qiimeynta si ay noqdaan kuwo caddaalad iyo hufnaan leh.
Sidoo kale, wuxuu xusay in dugsiyada laga dhisayo goobo ciyaaro iyo madadaalo si loo dhiso jiil caafimaad qaba oo jidh iyo maskax ahaanba u diyaarsan.
Dr. Abiy wuxuu tilmaamay in sannadkan kaliya la daabacay in ka badan 43 milyan oo buugaag waxbarasho ah oo loogu talagalay dugsiyada sare, taas oo qeyb weyn ka qaadatay kor u qaadidda tayada waxbarashada.
Ugu dambayn, wuxuu sheegay in wax badan la qabtay si loo horumariyo quudinta ardayda taaso ay ka faa'iidaysteen dhamaan bulshada, taasna ay qeyb ka tahay dadaalka lagu dhisayo Itoobiyada la doonayo si ay dadkeedu ugu faani karaan.
#Itoobiya 
 #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya