Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya waa fursad barwaaqo u ah dhammaan— Dr. Abiy Axmed - ENA Af-Soomaali
Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya waa fursad barwaaqo u ah dhammaan— Dr. Abiy Axmed
 
           Addis Ababa, Dirir 18/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa sheegay in Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya (GERD) uu yahay fursad weyn oo barwaaqo iyo horumar u wadasida dhammaan dalalka gobolka.
Wuxuu tilmaamay in dal kastaa leeyahay laba arrimood oo asaasi ah: danta qaranka iyo amniga qaran. Wuxuuna carrabka ku adkeeyay in marka xog iyo run la helo, go’aannada saxda ah la gaadhi karo, balse marka la helo xog khaldan ama la waayo, ay adag tahay in danta qaranka si sax ah loo fahmo.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in caddaalada caalamiga ah dhibaato u gaysatay danaha Itoobiya, balse ugu yaraan ay xaq u leedahay inay arrinteeda si cad u sheegato. Wuxuu intaa ku daray in Itoobiya aysan cidna biyaha ka celin una diidin, balse ay si waafaqsan sharciga caalamiga ah uga faa’iidaysatay webiga Abay si ay tamar koronto uga dhaliso.
Dr. Abiy wuxuu ku nuux-nuuxsaday in Itoobiya aysan rabin inay dhibaato u geysato Masar ama Suudaan, balse ay rabto in labadaas dal oo ah walaalaheed ay wada shaqeeyaan, si si wadajir loogu gaaro horumar iyo barwaaqo.
Ugu dambayn, wuxuu xusay in haddii Itoobiya, Masar iyo Suudaan ay gacmaha isqabsadaan oo ay si wadajir ah u shaqeeyaan, ay noqon karaan tusaale midnimo iyo horumar u ah Afrika oo dhan. Wuxuuna ku soo gabagabeeyay hadalkiisa isagoo leh: “Biyo-xireenka Weyn waa fursad barwaaqo u wada sida dhammaan, mana jiro cid xoog ku joojin karta horumarka Itoobiya.”
#Itoobiya 
 #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya