Dib-u-habaynta nidaamka caddaaladda ayaa si xoog leh u socota— Ra’iisul Wasaarae Dr. Abiy Axmed - ENA Af-Soomaali
Dib-u-habaynta nidaamka caddaaladda ayaa si xoog leh u socota— Ra’iisul Wasaarae Dr. Abiy Axmed
 
           Addis Ababa, Dirir 18/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa sheegay in dadaallada lagu horumarinayo nidaamka caddaaladda dalka ay si xoog leh u socdaan, isla markaana si joogto ah loo sii wadi doono.
Dr. Abiy ayaa sheegay in dawladda ay si dhab ah ugu hawlan tahay casriyeynta iyo hagaajinta nidaamka caddaaladda, si loo xaqiijiyo madax-bannaanidiisa iyo hufnaantiisa.
Wuxuu xusay in la qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo awoodda xirfadeed ee shaqaalaha garsoorka iyo in la hirgelinayo nidaamyo teknoolojiyadeed si loo yareeyo caqabadaha iyo gaabiska ku jira adeegyada caddaaladda.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in dib-u-habaynta howlaha maxkamadaha ay marayso meel wanaagsan, isla markaana dadaallada lagu tayeynayo nidaamka caddaaladda ay sii xoogaysan doonaan.
#Itoobiya 
 #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya