Arrinta Badda Cas waxaan aaminsanahay inay tahay mid sharci, taariikhi, juqraafi iyo dhaqaale— Dr. Abiy Axmed

Addis Ababa, Dirir 18/2018 (ENA): Isagoo faahfaahin ka bixinayay mowqifka Itoobiya ee Badda Cas, wuxuu sheegay in arrintaasi ay tahay mid aad muhiim u ah oo u baahan in si degan loo eego. Wuxuu intaa ku daray in go’aanka Itoobiya ay ku wayday marin badeed aanu ahayn mid ay hay’adaha sharci dejintu qayb ka ahaayeen.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay habboon tahay in la isweydiiyo cidda go’aankaas qaadatay, isagoo tilmaamay in Itoobiya aysan sii jiri karin iyadoo bad xidhan ah oo aan marin badeed lahayn.

Ugu dambayn, wuxuu sheegay in Itoobiya aysan doonayn inay muran la gasho deriskeeda balse ay rabto in wada hadal iyo iskaashi lagu gaaro xal, maadaama horumarka Itoobiya uu noqon doono fursad iyo faa’iido ay deriskeeduna ka faa’iideystaan.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015