Itoobiya waa dal go’aan adag ka qaatay difaaca danaheeda qaran iyadoo aan caddaalad-darro iyo eex toona oggolaan— Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed - ENA Af-Soomaali
Itoobiya waa dal go’aan adag ka qaatay difaaca danaheeda qaran iyadoo aan caddaalad-darro iyo eex toona oggolaan— Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed
 
           Addis Ababa, Dirir 18/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, ayaa sheegay in Itoobiya tahay dal aan oggolaan doonin go’aan aan caddaalad ahayn ama eex ku dhisan marka ay timaaddo difaaca danaha qarankeeda.
Isagoo si gaar ah uga hadlay arrinta isticmaalka biyaha Niilka (Abay) ayuu Dr. Abiy sheegay in isticmaalka biyaha webiga Abaay uu yahay xuquuq dabiici ah iyo mid sharci ah oo Itoobiya ay leedahay, isla markaana mowqifka Itoobiya ee ah in hantidan wadajirka loo isticmaalo uu yahay mid cad oo weli taagan.
Wuxuu intaas ku daray in Masar iyo Suudaan yihiin dalal walaalaheen ah, sidaas darteedna xal kasta lagu gaari karo wada hadal, iskaashi iyo horumar wadajir ah.
Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya aysan waxba qaban doonin ama qorsheyn doonin arrin dhaawac u geysan karta dal kale.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya