Golaha Wakiilada Shacabka ayaa ansixiyay mooshinka taageerada ee loo gudbiyay - ENA Af-Soomaali
Golaha Wakiilada Shacabka ayaa ansixiyay mooshinka taageerada ee loo gudbiyay
 
           Addis Ababa, Dirir 18/2018 (ENA): Golaha Shacabka ayaa ansixiyay mooshinka taageero oo uu soo jeediyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya, Taaye Asqasilaase, taariikhdu markay ahayd 26ka Kodxin 2018 T.I. Mooshinkan ayaa quseeya jihada iyo mudnaanta siyaasadda dowladda ee sanad-miisaaniyadeedka 2018.
Kalfadhiga caadiga ah ee labaad ee Golaha Wakiilada Shacabka, sanad shaqeedkooda 5aad, ayaa maanta la qabtay iyadoo Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Axmed uu goob joog ahaa.
Intii lagu guda jiray shirka, xubnaha Golaha ayaa soo jeediyay su’aalo iyo talooyin kala duwan oo ku saabsan mooshinka, waxaana jawaabo iyo faahfaahin ka bixiyay Ra’iisul Wasaaraha.
Ugu dambayn, Golaha Wakiilada Shacabka ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay mooshinka taageerada ee Madaxweynaha uu soo gudbiyay kalafadhigii koobaad.
#Itoobiya #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya