Dowladda Federaalka oo kaliya waxay dhisaysaa 26,500 Kiiloomitir oo waddo ah

Addis Ababa, Dirir 18/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy Ahmed ayaa sheegay in dowladda federaalka oo keliya ay dhiseyso 26,500 kiiloomitir oo waddo ah.

Wuxuu xusay in Itoobiya ay hadda wado dhismaha 346 mashruuc waddo ah, waxaana 26,500 kiiloomitir waddo ay dhisaysaa dowladda federaalka. Sidoo kale, waxaa jira 14 mashruuc oo dhexdhexaad iyo yar-yar ah oo la geliyay in ka badan 200 bilyan oo birr, kuwaas oo dhismoodu uu yahay mid adag oo u baahan dadaal badan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda ay ku dadaaleyso sidii mashaariicdaasi loo dhameystiri lahaa. Wuxuu sheegay in dadaalka iyo xoogga la geliyo uu kaalin weyn ka qaadanayo dhameystirka mashruucyada, gaar ahaan kuwa beeraha, khudradda, iyo mirooyinka kale.

Dhanka koboca dhaqaalaha, Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in isbeddelka Itoobiya uu keenay fursado badan oo horumarineed, isagoo ku adkeeyay in Itoobiya ay noqon doonto dalka labaad ee ugu dhaqaalahasareeya Afrika 2032, isla markaana ay noqon doonto dalka koobaad 2036.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015