Horumarka Marinnada ayaa keenaya awood hal-abuur iyo isbeddel nololeed – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa, Dirir 18/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in shaqada horumarinta marinnadu ay la timid awood hal-abuur oo sare iyo isbeddel muuqda oo ku yimid qaab nololeedka bulshada.

Wuxuu intaa ku daray in shaqada la sameeyey ay keentay isbeddel muuqda oo ku saabsan habka fikirka iyo aragtida bulshada. In kasta oo qofku uu la kulmi karo caqabado markii uu la qabsado horumarka cusub, haddana nidaamkan cusub ayaa si tartiib-tartiib ah u bedelaya, taas oo ka dhigaysa mid la aqbali karo.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in horumarka marinnadu uu suuragaliyay in fursado badan oo shaqo iyo horumar ay soo baxaan, tusaale ahaan dadka ajaanibta ah iyo kuwa gudaha dalka ayaa si hufan uga shaqeynaya horumarinta dhinacyada kala duwan ee mashruuca.

Waxaa sidoo kale la dhisay in ka badan 1,000 garoomo yaryar oo cayaaraha ah oo ku yaalla Addis Ababa, ay ka caawineysa dhalinyarada in ay ka baxaan caqabadaha nolosha sida dhibka iyo balwada, kana qeyb qaataan ciyaaraha.

Ugu dambeyn, mashruucan waxay ka caawineysaa in muwaadiniinta laga soo saaro guryahooda oo loo soo jiido garoomada kubadda cagta, taas oo dhiirrigelinaysa dhaqdhaqaaqa qoyska iyo ciyaaraha, isla markaana magaalada ka dhigaysa mid muuqaal ahaan horumarsan. Garoomada kubadda cagta ee la dhisayo waxay 10-ka sano ee soo socota ka caawin doonaan dhalinyarada in ay noqdaan ciyaartoy muhiim ah oo heer qaran ah.

#Itoobiya

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015