Tallaabooyinka la qaaday ayaa hoos u dhigay sicir bararka– Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.)

Addis Ababa, Dirir 18/2018 (ENA): Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa sheegay in tallaabooyinka kala duwan ee la qaaday ay suurta gelisay in sicirka guud ee dalka hoos loo dhigo.

Wuxuu cadeeyay in hoos u dhaca sicirka uu ka dhashay tallaabooyinka ay ka mid yihiin: ballaarinta wax soo saarka qaybta beeraha, fududeynta suuqyada iyadoo la fidiyay suuqyada Sabtida iyo Axadda si si toos ah loogu xiriiro ganacsatada iyo iibiyeyaasha, iyo sidoo kale in la sameeyo kaydyo muhiim ah.

RW Abiy wuxuu xusay in sanadkii la soo dhaafay, loogu talagalay sugnaanta cuntada: 60 bilyan oo birr, bacriminta: 84 bilyan oo birr, iyo shidaalka: 140 bilyan oo birr. Sidoo kale, waxaa la kordhiyey 160 bilyan oo birr oo loogu talagalay mushaharka shaqaalaha.

Guud ahaan, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 440 bilyan oo birr la geliyey kaydka iyo qorsheynta muhiimka ah. Tallaabooyinkan waxay door weyn ka ciyaareen yareynta sicirka nolosha, ballaarinta quudinta ardayda, iyo xasilinta dhaqaalaha.

Waqtigan, sicirka guud ee bishii Dirir wuxuu hoos u dhacay 11.7 boqolkiiba.

#Itoobiya

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015