Sanadkii la soo dhaafay Itoobiya waxay diwaangalisay dakhligii ugu sarreeya taariikhdeeda – Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.)

Addis Ababa, Dirir 18/2018 (ENA): Golaha Wakiillada Shacabka ee lixaad ayaa sannad shaqeedkooda shanaad ku jira, iyagoo u fadhiga kalfadhiga labaad ee joogtada ah, halkaasoo xubnaha Golaha ay ku weydiiyeen Ra’iisul Wasaaraha su’aalo iyo faallooyin ku saabsan dakhliga dalka iyo dhaqaalaha.

Dr. Abiy ayaa cadeeyay in sanadkii la soo dhaafay, Itoobiya ay ka heshay 8.3 bilyan oo doollar dakhli ka yimid ganacsiga dhoofinta, halka dakhliga ka soo galay xawaalasaha uu ahaa 7.4 bilyan oo birr. Sidoo kale, qayb ka mid ah dakhliga waxaa lagu maareeyay gudaha dalka, taasoo badbaadisay inkabadan bilyan doollar ah.

Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy wuxuu intaas ku daray in keydka lacagta qalaad ee Itoobiya uu hadda gaaray in ka badan 10 jibaar.

#Itoobiya

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015