Qeybta Beeraha Itoobiya waxay diiwaangelisay koboc 7.3% sanadkii 2017 – Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) - ENA Af-Soomaali
Qeybta Beeraha Itoobiya waxay diiwaangelisay koboc 7.3% sanadkii 2017 – Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.)
 
           Addis Ababa, Dirir 18/2018 (ENA): Dr. Abiy wuxuu cadeeyay in koboca qaybta beeraha uu qeyb ka yahay horumarka guud ee dhaqaalaha, iyadoo wax-soosaarka sanadlaha ah (GDP) uu kordhay 2.3%.
Tusaale ahaan, wax-soosaarka bariiska oo sanadkii 2010 ahaa 1.5 milyan kiintal ayaa sanadkii 2017 gaaray 63 milyan kiintaal, halka wax-soosaarka qamadiga uu ahaa 47 milyan kiintaal gaarayna in ka badan 280 milyan kiintal, taasoo muujinaysa horumar weyn oo la taaban karo.
Wax-soosaarka bunka ayaa sidoo kale ka dhashay dadaallo badan oo farsamo iyo maamul, iyadoo sanadkii 2010 ahaa 4.5 milyan kiintaal iyo 700,000 dollar oo dakhliga ganacsiga ah uu sanadkii 2017 gaaray 11.5 milyan kiintaal iyo 2.5 bilyan dollar, taasoo muujineysa koboc xooggan oo dhinaca wax-soosaarka iyo dakhliga.
Ra’iisul Wasaare Dr. Abiy wuxuu sidoo kale bogaadiyay dadaalka beeraleyda iyo khubarada beeraha ee gacan ka geystay horumarinta wax-soosaarka iyo tayadiisa.