Ra’iisul Wasaare, Dr. Abiy Ahmed, ayaa haatan hortaggay Golaha Wakiillada Shacabka, oo fadhiya kulankaadii labaad ee caadiga ahaa ee sanad shaqeedka shanaad. Xildhibaanadu waxay soo jeediyeen su’aalo iyo aragtiyo kala duwan oo uu ra’iisul wasaaruhu ka bixinayo jawaabo iyo faahfaahin, kuwaasoo ay ka mid yihiin:

👉 Arrimaha nabadda: In uu sharaxaad ka bixiyo dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo waxa laga filayo bulshada qaybteeda ku aaddan ilaalinta iyo xoojinta nabadda.

👉 Heshiiska Pretoria: Inkasta oo ay dowladdu wado dedaali xoogan, hadanna bal faahfaahin ka bixi eedaha la xiriira in heshiiska nabadda Pretoria aysan si buuxdau hirgalinaynin dhinaca Tigraay, taas oo loo arko mid abuureysa walaac ku saabsan dib u bilaabashada colaadda Tigraay.

👉 Komishinka Wadatashiga Qaranka: Bal noo caddee cidda laga filayo inay door muhiim ah ka qaadato guusha hawsha wadatashiga, iyo sida loo dhiirigelinayo dhinacyada aan weli rabin inay ka qaybqaataan wadahadalka.

👉 Dib-u-habaynta dhaqaalaha: Bal noo faahfaahi aragtida ku saabsan guulaha dib-u-habaynta dhaqaalaha, fursadaha mustaqbalka iyo caqabadaha jira.

👉 La dagaallanka musuqmaasuqa iyo maamul xumada:Bal noo sharax tallaabooyinka socda iyo kuwa la qorsheeyay ee lagu xoojinayo la dagaallanka musuqmaasuqa iyo wax isdabamarinta.

👉 Mashaariicyda waaweyn: Bal bulshada u faahfaahi faa’iidooyinka mashaariicda waaweyn ee hadda la dhisayo ama la qorsheeyay, iyo sida ay ugu adeegayaan horumarka dalka.

Su’aalahan iyo kuwo kale ayay xildhibaanadu u soo jeedinayaan Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed si uu uga bixiyo jawaabo iyo faahfaahin inta lagu jiro kulanka maanta.

#Itoobiya

#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015