Itoobiya ayaa ka qayb qaadanaysa horumarinta Biyaha iyo Tamarta Iyadoo la xoojinayo doorka istiraatiijiga ah ee xalka waara ee Afrika - ENA Af-Soomaali
Itoobiya ayaa ka qayb qaadanaysa horumarinta Biyaha iyo Tamarta Iyadoo la xoojinayo doorka istiraatiijiga ah ee xalka waara ee Afrika
 
           Addis Ababa, Dirir 17/2018 (ENA): Itoobiya ayaa si firfircoon uga qayb qaadanaysa horumarinta biyaha iyo tamarta iyadoo diyaarisay “Usbuuca Iskaashiga Biyaha iyo Tamarta,” kaas oo ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo doorka istiraatiijiga ah ee xallinta dhibaatooyinka waara ee Afrika. Tani waxaa shaaca ka qaaday Madaxweynaha Golaha Wasiirrada Biyaha ee Afrika iyo Wasiirka Biyaha ee Senegal, Dr. Jayk Tidhiyaane.
Ra'iiasul Wasaare ku-xigeen Tamsegen Tirunah, ayaa sheegay in ay tahay fursad lagu soo bandhigayo fursadaha iyo caqabadaha horumarinta biyaha iyo tamarta ee dalka.
Dr. Jayk Tidhiyaane ayaa xusay in iskaashiga Afrika uu muhiim u yahay sidii loo xoojin lahaa aqoonsiga iyo wada-shaqeynta dalalka, isla markaana loogu hormarin lahaa maareynta iyo ilaalinta kheyraadka biyaha ee gobolka.
Itoobiya waxay leedahay 60% webiyo iyo ilo biyo kuwaasoo kuxidha dalalka deriska ah taasoo ka dhigaysa dalka mid muhiim u ah iskaashiga horumar waara iyo xallinta dhibaatooyinka biyaha ee gobolka. Webiyadan waxay si wadajir ah u taageeraan horumar waara, tamar nadiif ah, iyo isticmaalka kheyraadka si waxtar leh.
Usbuucan Biyaha iyo Tamarta ayaa sidoo kale diiradda saaraya isticmaalka biyaha, maareynta, iyo iskaashiga webiyada xuduudaha kagudba, si loo xaqiijiyo horumar waara, ilaalinta deegaanka, la-dagaallanka isbeddelka cimilada, iyo taageerida ajendayaasha kale ee horumarineed ee Afrika.
#Itoobiya 
 #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya