Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Soomaalida ayaa la wareegay Gaadhiga Kooxaha Caafimaadka Wareega ee hooyada iyo dhallaanka - ENA Af-Soomaali
Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Soomaalida ayaa la wareegay Gaadhiga Kooxaha Caafimaadka Wareega ee hooyada iyo dhallaanka
 
           Addis Ababa, Dirir 17/2018 (ENA): Munaasabadda lagu wareejinayay gaadhiga kooxaha caafimaadka wareega ee hooyada iyo dhallaanka, oo ay ku deeqday Dowladda Japan isla markaana kaashanaysa Hay’adda UNFPA, ayaa ka qabsoontay gudaha Xafiiska Caafimaadka Deegaanka Soomaida.
Munaasabaddan waxaa ka qaybgalay masuuliyiinta ugu saraysa Xafiiska Caafimaadka, oo uu hogaaminayo Madaxa Xafiiska Deegaanka Soomaalida, Dr. Muuse Axmed, masuuliyiin ka socday Xafiiska Maaliyadda, xubno ka socday Safaaradda Japan, iyo wakiillo ka socday Hay’adda UNFPA.
                
                
  
Gaadhigan ayaa bulshada reer-guuraaga ah ee deegaanka siin doona adeeg caafimaad oo isku dhafan, iyadoo kooxaha caafimaadka wareega ay ka hawlgelayaan hooyada iyo dhallaanka, si loo xoojiyo daawaynta iyo dayactirka caafimaadka ee qeybtan bulshada.
Dr. Muuse Axmed ayaa munaasabadda ka hadlay, isagoo sheegay in dadaal iyo wakhti badan la geliyay sidii gaadhigan uu u soo gaadhi lahaa deegaanka, isla markaana uu u yahay fursad muhiim ah oo bulshada reer-guuraaga ah ay ka faa’iideysan doonaan.
Gaadhigan cusub ayaa qayb ka noqonaya qorshaha Xafiiska Caafimaadka Deegaankaas ee lagu xoojinayo adeegyada caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka, iyadoo la hubinayo in adeegyada ay gaarayaan meelaha fogfog ee deegaanka.
#Itoobiya 
 #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya