Itoobiya doorka ay ku leedahay isu keenka Afrikaanka waa mid muhiim ah – Dr. Joysee Banda, Xubin ka Tirsan Guddiga Madasha Taanaa

Addis Ababa, Dirir 17/2018 (ENA): Dr. Joysee Banda, oo ah madaxweynihii hore ee Malaawi isla markaana xubin ka ah guddiga Madasha Taanaa, ayaa sheegtay in Itoobiya ay door weyn ka ciyaarayso ajendayaasha mideynaya Afrikaanka.

Iyadoo la hadlaysay Wakaaladda Wararka Itoobiya (ENA), Dr. Joysee Banda waxay tiri: “Itoobiya waxay door firfircoon ka ciyaartaa arrimaha mideynaya Afrikaanka si ay u gaadhaan yoolal wadajir ah.”

Waxay xustay in Itoobiya door muhiim ah ku lahayd marxaladdii lagu aas-aasay Ururkii Midnimada Afrika oo maanta loo yaqaan Midowga Afrika, taas oo muujinaysa kaalinta taariikhiga ah ee dalkaas ku leeyahay midnimada qaaradda.

Dr. Joysee Banda waxay carrabka ku adkaysay in loo baahan yahay in la xoojiyo meelaha ay Afrikaanku ku kulmaan si ay ugu wada hadlaan, ugana doodaan jihada mustaqbalka qaaradda, iyadoo tiri: “Itoobiya iyadoo Madasha Taanaa aasaastay, waxay dhiirrigelisay in dhibaatooyinkeenna aan si wadajir ah u xallinno. Doorka ay maanta ku leedahay mideynta Afrika waa mid layaab leh.”

Waxay intaas ku dartay in guulaha ay dowladdu ka gaadhay horumarinta iyadoo shacabka ku dhiirrigelinaysa wada shaqayn ay tusaale ugu tahay dalalka kale ee Afrika.


 

Dhanka kale, Dr. Baa Kwesi Heto oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Jaamacadda Kaliforniya, ayaa sheegay in Itoobiya ay abuurayso fursad ay Afrikaanku si wadajir ah ugu beddelaan xalalka siyaasadeed.

Brofessor Heto wuxuu sheegay in Itoobiya ay noqotay buundo isku xirta dalalka Afrika, isagoo ku boorriyey waddamada kale inay raacaan tusaalaha Itoobiya si loo xoojiyo midnimada qaaradda.

Wuxuu ku soo gabagabeeyey hadalkiisa: “Afrika waxay u baahan tahay dalal buundo u noqda xalalka waara ee dhibaatooyinka qaaradda, Itoobiya-na waa dal tusaale ahaan kara.”

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015