Itoobiya waxay door hoggaamineed ka qaadanaysaa horumarinta biyaha iyo tamarta waara – Tammasgen Tiruneh

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya Tammasgen Tiruneh ayaa sheegay in Itoobiya ay si isa soo taraysa ugu soo baxayso hogaaminteeda ku aaddan horumarinta waarta ee biyaha iyo tamarta, iyo sidoo kale kor u qaadidda barwaaqo wadaagga ah.

Tammasgen ayaa si rasmi ah u furay toddobaadka labaad ee Biyaha iyo Tamarta Itoobiya oo lagu qabtay Matxafka Sayniska. Isagoo ka hadlayay xafladda furitaanka, wuxuu sheegay in dadaalka Itoobiya ee ku wajahan tamarta la cusboonaysiin karo, biyaha iyo horumarinta cagaaran uu isbeddel muuqda keenay, isla markaana malaayiin qof ay ka faa’iidaysanayaan.

Wuxuu tilmaamay in Itoobiya ay noqotay xarun awood tamareed oo muhiim ah, iyadoo koronto siisa dalalka Jabuuti, Suudaan iyo Kenya, isla markaana qorshaynayso inay koronto u dhoofiso dalal kale dhawaan. Tani, ayuu yiri, waa caddaynta riyada barwaaqo wadaagga ah ee Afrika.

Tammasgen wuxuu xusay in Mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee Itoobiya uu yahay tiirka muhiimka ah ee aragtidan, wuxuuna ka tarjumayaa adkeysiga, midnimada, iyo doorka Itoobiya ee ku wajahan himilooyinka wadaagga ah ee qaaradda Afrika.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Itoobiya ay ku adkeysanayso wada-shaqeyn iyo dan-wadaag halkii ay colaad ka dooran lahayd, isagoo sheegay in wabiyada xuduudaha Itoobiya ay yihiin saldhigga iskaashiga mustaqbalka ee gobolka.

Isagoo tusaale u soo qaatay ololaha “ Raadka Cagaaran”, wuxuu sheegay in in ka badan 48 bilyan oo geedo ah la beelay, saddex meelood meelna lagu beeray dooxada Abaay, taas oo sidoo kale faa’iido weyn u yeelatay dalalka kale ee deriska ah.

Dhanka kale, Tammasgen wuxuu sheegay in koboca dhaqaalaha Itoobiya uu si toos ah ugu xiranyahay helitaanka marin badeed, taas oo uu ku tilmaamay arrin lagama maarmaan ah oo dammaanad qaadaysa mustaqbalka dalka.

Wuxuu intaas ku daray in helitaanka badda ay furayso bog cusub oo ku saabsan xoojinta ganacsiga, mideynta dhaqaalaha, iyo iskaashiga gobolka, isagoo xusay in Itoobiya ay u marayso waddo nabadeed si ay u xaqiijiso danaha wadaagga ah iyo horumar waara.

Ugu dambayn, wuxuu xaqiijiyay in Itoobiya ay sii wadi doonto hoggaaminta dadaallada Afrika ee lagu xaqiijinayo amniga biyaha iyo tamarta mustaqbalka.

#Itoobiya 
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya

Wakaalada Warka Itoobiya
2015