99 jeer ayuu dhiig ku deeqay – Tusaalaha nool ee badbaadinta nolosha! - ENA Af-Soomaali
99 jeer ayuu dhiig ku deeqay – Tusaalaha nool ee badbaadinta nolosha!
 
           Addis Ababa, Dirir 17/2018 (ENA): Mulaat Asraat, oo ah darawal ka tirsan adeegga gaadiidka dadweynaha ee Basaska, waa nin si weyn ugu heellan samafalka. “Inaad dadka u adeegto waa sharaf; in la caawiyo kuwa dhibaateysanina waxaa niyad wadaag,” waa fikirka uu aaminsanbyahay. Fikraddan ayaa ku dhiirrigelisay inuu u huro dhiigiisa ku badbaadinta nolosha dadka kale, isagoo rajadii ay ku noolaan lahaayeen u noqday boqolaal Itoobiyaan ah.
Waxaa lagu sharfay shirkii sanadlaha ahaa ee 27aad ee Wasaaradda Caafimaadka, isagoo helay abaalmarin gaar ah kadib markii uu 99 jeer dhiig ku deeqay, taasoo muujinaysa naxariistiisa.
Mulaat Asraat, oo ku dhashay kuna barbaaray magaalada Addis Ababa, ayaa sheegay inuu bilaabay dhiig bixinta isagoo dhalinyaro ah, xilli uu ka tirsanaa Ururka Bisha Cas. “Waxaan bilaabay anigoo xubin ka ah Bisha Cas, waana hawl i farxadgelisa oo aan wali sii wadayo,” ayuu yidhi.
Muddo ka badan 28 sano ayuu si joogto ah u shubayay dhiig, isagoo rumaysan in ficilkiisu yahay hab lagu badbaadin karo nolosha dadka kale. Wuxuu intaas ku daray in dhiig bixintu aysan waxyeello u geysan caafimaadka qofka, isagoo dhalinyarada ku booriyey inay iyaguna dhiig bixiyaan: “Dhiig bixiya, waxyeello ma leh, anigaa markhaati ka ah,” ayuu yidhi isagoo dhiirrigelinaya dadka.
Markii la guddoonsiiyay abaalmarinta, wuxuu sheegay inuu dareemayo farxad gaar ah, wuxuuna ballan qaaday inuusan joojin doonin dhiig bixinta inta uu nool yahay. “Inta aan caafimaad iyo cimri haysto, dhiig bixinta ma joojin doono,” ayuu yiri.
Ugu dambayn, Mulaat Asraat waxaa lagu tilmaamay geesi dhab ah oo badbaadiyay nolosha bulsha badan oo dhiig la'aam nolosha ku waayi lahaud, isagoo tusaale u ah in samafalku uusan ku koobnayn lacag, balse uu yahay in la bixiyo qayb ka mid ah waxa noloshaada muhiimka u ah si loogu badbaadiyo naf kale.
#Itoobiya 
 #Wakaaladda_Wararka_Itoobiya