Seerada Qaran, Awaash

Sida laga soo xigtay cilmi-baarisyo la sameeyay, seertu waxay hoy u tahay in ka badan 81 nooc oo naasley ah, in ka badan 450 nooc oo shimbiro ah, iyo in ka badan 400 oo nooc oo dhir ah.

Shan nooc oo shimbiro ah ayaa seerta kaliya laga helaa; shantaas nooc, hal nooc ayaa si gaar ah u soo jiitay dareenka cilmi-baarayaasha caalamiga ah iyo booqdayaasha.

Waxaa la aasaasay 1958 T.I; dhulkeedu waa 591 kiiloomitir skuweer.

Madaxa Seerada Mudane Aaden Maxamed ayaa ENA u sheegay, in xayawaannada iyo dhirtuba ay ku nool yihiin xaalado ka wanaagsan sidii hore sababtoo ah fiiro gaar ah oo ay siisay dawladdu; waxaana suurtogal ahayd in laga ilaaliyo dhaqdhaqaaqyada sharci darrada.

Wuxuu xusay in hawlaha horumarinta ay ka socdaan beerta ilaa iyo hadda, 247 fursado shaqo oo joogto ah iyo 2,535 oo ku meel gaar ah ayaa la abuuray.

Mudane Aaden, ayaa sheegay in sannadkii hore, 1,751 oo dalxiisayaal gudaha iyo dibadda ka yimid ay booqdeen seerta.

Wakaalada Warka Itoobiya
2015