Dadaalka wax looga qabanayo caqabadaha ay la kulmaan haweenka da'yarta ayaa la sii xoojjin doonaa

Addis Ababa; Dirir 9/2018 (ENA): Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegtay in la sii xoojin doono dadaallada wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay la kulmaan haweenka da’yarta ah. 

Wasaaradda ayaa xustay maalinta caalamiga ah ee haweenka qaan-gaarka ah markii 13-aad ee caalamka iyo markii 8-aad ee heer qaran iyadoo halku-dhigeedu yahay “Taageeridda haweenka da'yarta ah waa dhisidda mustaqbal wanaagsan". 

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulshada Marwo Xikma Khayrudiin oo munaasabadda ka hadashay ayaa tiri; Bixinta taageerada habboon ee haweenka da'yarta ah ay tahay arrin si degdeg ah in looga shaqeeyo.


 

Wasiiru dowlaha oo sheegay in haweenka da’yarta ay u nugul yihiin aafooyinka bani’aadamka iyo kuwa dabiiciga ah ayaa sheegay in looga fadhiyo dhammaanteen in aan ka shaqeyno sidii ay u heli lahaayeen adeegyada bulshada ee lagama maarmaanka u ah ay kamid yohiin waxbarashada iyo caafimaadka. 

Wasaaradda oo kaashanaysa hay’adaha ay khusayso ayaa waxa ay si weyn uga hawl-gashay sidii haweenka da’yarta loo xoojin lahaa, una kobcin lahaayeen awooddooda, kuna kori lahaayeen, iskuna beddeli lahaayeen waxbarashada. 

#Wakaalladda_Wararka_Itoobiya 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015