Waa in fiiro gaar ah la siiyaa arrinta ku saabsan is-waafajinta baahida iyo wax soo saarka. - ENA Af-Soomaali
Waa in fiiro gaar ah la siiyaa arrinta ku saabsan is-waafajinta baahida iyo wax soo saarka.
 
           Addis Ababa; Dirir 11/2018 (ENA): Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga Barwaaqo lehna awwood Raysal wasaare ku xigeen, Mudane Aaden Faarax ayaa sheegay, in loo baahan yahay in la is waafajiyo baahida iyo wax soo saarka heer qaran.
Xisbiga Barwaaqo ayaa qabtay madal lagu qiimeynayo waxqabadka rubuci hore ee sanad miisaaniyeedka 2018-ka.
Madasha ayaa diiradda lagu saaray shaqo abuurka, shaqada la qabtay iyo natiijada laga gaaray dhimista qiimaha maciishada, iyo himilooyinka qaran ee looga gol leeyahay in looga baxo saboolnimada.
Madashan ayaa waxaa ka hadlay mudane Aaden Faarax oo ah, Madaxweyne Ku-Xigeenka Xisbiga Barwaaqo, lehna awwood raysal wasaare ku xigeenka dalka, in arrinta ku saabsan is-waafajinta wax soo saarka iyo baahida waxay u baahan tahay fiiro gaar ah si loo yareeyo culeyska qiimaha maciishada.
Mudane Aaden waxa uu sheegay in la balaadhiyo suuqyada Sabtida iyo Axadda; waxa kale oo uu xusay in la tixgeliyo tayada wax soo saarka bulshada loo soo bandhigo.
Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in deegaannadu ay iska kaashadaan dhanka wax soo saarka, taasoo faa’iido weyn u leh in wax soo saarka ay ku helaan qiimo wanaagsan iyo tiro badan.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in daneeyayaasha deegaan walba looga fadhiyo in ay xoojiyaan iskaashatooyinka iyo ururada, isla markaana ay garab istaagaan si ay u noqdaan kuwa wax ku ool ah xalinta dhibaatooyinka soo wajaha.
Wuxuu tilmaamay in la kordhiyo tirada ka faa'iideystayaasha barnaamijka xeedho wadaagidda; waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo wax-soo-saarka beeraha ee magaalooyinka marka loo eego faa’iidada ay qaranka u leedahay.
Waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay in lagu dadaalo sidii loo xakameyn lahaa ka ganacsiga shidaalka sharci darrada ah; waxa uu carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in loo baahan yahay in halgan loo galo sidii dalka looga saari lahaa dalaaliin sharci daro ah oo ku jira nidaamka ganacsiga.
Dhinaca kale waxa uu sheegay in loo baahan yahay in lagu dadaalo sidii loo hagi lahaa ajandaha loo igmaday dhaq-dhaqaaq lagu xaqiijinayo halganka qaran ee lagaga baxayo addoonsiga.
Waxa uu tilmaamay in Hoggaanku uu ka soo baxo mas’uuliyadda ka saaran sidii loo xalin lahaa dhibaatada deg-degga ah ee shaqo la’aanta oo ah arrin bulshada dhexdeeda ah, iyadoo loo marayo barnaamijka shaqo abuurka ee ku saleysan xirfadda.
#Wakaalladda Wararka_Itoobiya