Qof kasta oo Itoobiyaan ah waa inuu ku dadaalaa sidii uu u xaqiijin lahaa barwaaqada Itoobiya – Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.)

Addis Ababa; Dirir 11/2018 (ENA):- Xaqiijinta barwaaqada Itoobiya waxay u baahan tahay dadaal qof kasta oo Itoobiyaab ah, ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.). 

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed (Dr.) ayaa kulan kula yeeshay madaxdii hore iyo kuwa hadda xilka hayya godka taariikhiga ah ee Soof Cumar.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Dr.) ayaa sheegay in dal hal maalin lagu dhisi karin, isla markaana aysan ahayn wax la billaabi karo laguna dhameyn karo hal maalin.

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in jiil walba uu waddan dhisan yahay, wuxuuna sheegay in jiilalku ay yihiin natiijadii wadajirka ahayd ee ka soo baxday aqoonsigoodii shalay, jiritaanka maanta iyo mustaqbalka berri. 

Waxa uu sidoo kale sheegay in si mug leh loo fahmo kartida jiilka oo ay ballaarin doonto kartida iyo awoodda lagu dhisayo dal xooggan. 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalku uu ku dhisan yahay jiilkan kala guurka ah, waxa uu tilmaamay in qof walba looga baahan yahay in uu ka shaqeeyo, u tacabo, una dadaalo barwaaqada dalka.

Nabad iyo barwaaqo ku iman maayaan dadaal iyo tacab la’aan; ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu. 

Waxa kale oo uu xasuusiyay in qof kasta oo Itoobiyaan ah uu ku dadaalo sidii loo gaari lahaa barwaaqada Itoobiya aan rajeynayno.

 

#Wakaalladda_ Wararka_Itoobiya 

Wakaalada Warka Itoobiya
2015