Machadka Isbeddelka Beeraha Itoobiya ayaa abaal-marin caalami ah ka helay FAO - ENA Af-Soomaali
Machadka Isbeddelka Beeraha Itoobiya ayaa abaal-marin caalami ah ka helay FAO

Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Machadka Isbeddelka Beeraha ee Itoobiya (EATI) ayaa la guddoonsiiyay abaal-marin caalami ah oo ay bixiso Hay’adda Cuntada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO).
Abaal-marintan ayaa lagu maamusay machadka sababo la xiriira doorka muuqda ee ay ka qaadatay hirgelinta qorshayaasha FAO, gaar ahaan dadaalka ay ku xoojinayso horumarinta beeraha waara iyo nolosha miyiga, kor u qaadidda ammaanka cuntada, iyo hal-abuurnimada la xiriirta wax-soo-saarka beeraha.
Agaasimaha Guud ee Machadka, Dr. Mandefro Niguse, ayaa abaal-marintan ku guddoomay magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga, halkaas oo uu ku yaallo xarunta dhexe ee FAO.
FAO ayaa sheegtay in ay abaal-marintan siisay Itoobiya, maadaama barnaamijka “ Raadka Cagaaran” ee ay dalka ka hirgelisay uu tusaale u yahay hab-maamul wanaagsan oo waara oo lagu maareeyo keymaha iyo horumarinta deegaanka.
Munaasabadda lagu bixiyay abaal-marintan ayaa qabsoontay intii lagu guda jiray Shirka Cuntada Adduunka ee FAO oo lagu qabtay magaalada Rooma, iyadoo ay kasoo qaybgaleen madaxda dalal badan iyo hay’ado caalami ah.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya