Nidaamka Dhaqaale ee Caddaaladda iyo Iskaashiga Wadajirka ah waa in la Xoojiyaa— Axmed Shide - ENA Af-Soomaali
Nidaamka Dhaqaale ee Caddaaladda iyo Iskaashiga Wadajirka ah waa in la Xoojiyaa— Axmed Shide

Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, ayaa sheegay in dalalka soo koraya ay tahay in ay si gaar ah xoogga u saaraan dhismaha nidaam dhaqaale oo caddaalad ah, wadaag ah, isla markaana fursad siinaya dhammaan dhinacyada si loo xaqiijiyo sinnaanta iyo horumarka dhaqaale ee waara.
Wasiirku wuxuu hadalkan ka jeediyay magaalada Washington DC, halkaas oo uu ka socdo shir sanadeedka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka. Intii uu shirka socday, wasiirka ayaa ka qaybgalay kulanka 114-aad ee wasiirrada iyo guddoomiyeyaasha bangiyada dhexe ee ka tirsan kooxda dalalka soo koraya ee G-24.
Kooxda G-24 waa madal ay ku mideysan yihiin 24 dal oo ku kala yaalla Afrika, Aasiya, Latin America iyo Kariibiyaanka, kuwaas oo iska kaashada arrimaha lacagta iyo horumarinta. Shirka oo ay guddoominaysay Arjentina, ayaa diiradda saaray siyaasad cusub oo lagu dardargelinayo kobaca iyo isbeddelka dhismaha dhaqaale ee dalalka soo koraya.
Axmed Shide ayaa sheegay in loo baahan yahay nidaam dhaqaale oo caddaalad ah, furan, isla markaana si dhab ah u maqala metelaadna u siinaya dalalka soo koraya. Wuxuu taageeray baaqa kooxda G-24 ee ku aaddan in dib loo habeeyo qaabka lagu maareeyo deymaha dalalka saboolka ah, gaar ahaan nidaamka ay G-20 ku heshiisay ee lagu yareynayo culayska deynta.
Wasiirku wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dalalka saboolka ah la siiyo fursado deyn dheer oo ribo hoose leh, taas oo kor u qaadaysa iskaashiga iyo wada shaqeynta dhinacyada badan. Wuxuu sheegay in dalalka soo koraya ay u baahan yihiin nidaam dhaqaale oo waafaqsan xaaladahooda iyo yoolalka horumarineed ee muddada dheer.
Hoggaamiyeyaasha IMF iyo Bangiga Adduunka, Kristalina Georgiefa iyo Anna Bjerde, ayaa amaanay dadaallada kooxda G-24, iyagoo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay xoojiyaan wada shaqeynta iyo taageerada dalalka xubnaha ka ah si loo hubiyo xasilloonida maaliyadeed iyo horumar waara.
Wasaaradda Maaliyadda Itoobiya ayaa sheegtay in ay baaq u dirtay bangiyada horumarinta ee caalamiga ah iyo deyn-bixiyeyaasha gaarka loo leeyahay si ay u taageeraan dadaallada kooxda G-24 ee lagu doonayo in lagu dhiso nidaam dhaqaale oo caddaalad ah, waara, isla markaana wax ku ool ah.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya