Canshuur-bixiyeyaasha daacadda ah, waa tiirka horumarka, koboca, iyo dhismaha mustaqbalka jiilka ee Addis Ababa— Adhaanaj Abebe - ENA Af-Soomaali
Canshuur-bixiyeyaasha daacadda ah, waa tiirka horumarka, koboca, iyo dhismaha mustaqbalka jiilka ee Addis Ababa— Adhaanaj Abebe

Addis Ababa, Dirir 7/2018 (ENA): Canshuur-bixiyeyaasha daacadda ah ayaa door muuqda ka qaadanaya horumarka, koboca iyo dhismaha jiilka cusub ee magaalada ay deggan yihiin, sida ay sheegtay duqa magaalada Addis Ababa, Adhaanaj Abebe.
Maamulka magaalada Addis Ababa ayaa qabtay madal abaalmarin ah oo lagu maamuusayo dadka si daacad ah u bixiya canshuurta.
Munaasabadda waxaa kasoo qaybgalay Afhayeenka Golaha Federeeshinka Agenyahu Teshaager, Duqa Addis Ababa
Adhaanaj Abebe, Afhayeenka Golaha Baarlamaanka Maamulka Magaalada Addis Ababa Buseena Alqadir, Wasiirka Dakhliga Ayinalem Nigusse iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare.
Adhaanaj Abebe ayaa mahadnaq u jeedisay dadka bixiya canshuurta oo ku amaantay daacadnimadooda iyo ka qayb qaadashadooda horumarinta magaalada. Waxay sheegtay in dakhliga magaalada uu si weyn u kordhay, iyadoo xustay in sanadkii miisaaniyadda 2010 uu ahaa 33 bilyan oo birr, halka sanadkii 2017 uu gaaray 233 bilyan oo birr.
Waxay intaas ku dartay in kobocaas uu muujinayo firfircoonida dhaqaale iyo isbeddel muuqda, isla markaana dakhligaas lagu fuliyay mashaariic horumarineed oo ay ka mid yihiin dhismaha waddooyinka, hareeraha wabiyada iyo bilicda magaalada, taasoo Addis Ababa ka dhigtay magaalo soo jiidasho leh.
Duqa magaalada ayaa tilmaantay in canshuurta si caddaalad ah loo isticmaalo, iyadoo sanad walba in ka badan 14 bilyan oo birr lagu taageero bulshada dakhligoodu hooseeyo, laguna daryeelo in ka badan hal milyan oo arday oo lagu quudiyo laba jeer maalintii.
Ugu dambayn, Adhaanaj Abebe ayaa sheegtay in bixiyeyaasha canshuurta ay yihiin tiirka kobaca magaalada, ayna si daacad ah u gudanayaan waajibaadkooda, taasoo door weyn ka qaadaneysa isbeddelka iyo horumarka jiilka cusub ee magaalada.
#Itoobiya
#Wakaaladda_Wararka_Itoobiya